Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, oo ay weheliso Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow, ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii 24-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo ka furmay magaalada Muqdisho.
Kulankan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta wada-shaqeynta iyo isku dubbaridka hannaanka maamulka maaliyadda dalka, iyo dardargelinta dib-u-habeynta dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.
Shirka waxaa si gaar ah looga doodayaa horumarinta nidaamka wadaagga kheyraadka, mideynta dakhliga heer federaal iyo heer dowlad goboleed, si loo xaqiijiyo maamul maaliyadeed oo hufan, isla xisaabtan leh, isla markaana waara.
Wasiirka Maaliyadda ayaa hadal uu ka jeediyay furitaanka shirka ku muujiyay muhiimadda ay kulamadan u leeyihiin kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dhisidda kalsoonida iyo wadajirka ka dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladda. Wuxuu xusay in mideynta dakhliga iyo wadaagga kheyraadka ay laf-dhabar u yihiin kobaca dhaqaale iyo xaqiijinta adeegyo bulsho oo tayo leh.
Waxaa la filayaa in kulanka laga soo saaro go’aanno iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu sii xoojinayo dadaallada dib-u-habeynta maaliyadeed, si loo adkeeyo horumarka
