Muqdisho,(SONNA):- Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabadda 6da February maalinta caalamiga ah ee joojinta Gudniinta.
Wasaaradda Qoyska oo Muqdisho ku qabatay Munaasabadda 6da February ee maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Gudniinka gabdhaha, munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qeybgalay wakiillada hayโaddaha UNICEF, UNFPA iyo marti kale oo kakala socotay hayโadaha kala duwan ee ka shaqeeya joojinta gudniinka Gabdhah, Guddiga Baarlamaanka ee Arrimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka, iyo madaxda Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Maxamed Bashiir Cumar oo munaasabadda khudbad soo dhaweyn ah ka jeediyey ayaa sharaxay tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay Wasaaradda Qoyska u qaaday joojinta gudniinka gabdhaha, tallaabooyinkaas oo ay ugu dambeysay meel marinta Hindise Sharciyeedka joojinta Naafeynta xubinta Taranka dhedigga.
Wakiillada hayโadaha oo Munaasabadda ka hadlay qaarkood waxa ay si isku mid ah u bogaadiyeen hawlaha ay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya u qaaday Joojinta tacayadiyada lagula kaco dumarka oo gudniinka ay ugu horeyso waxaana ay ballan qaadeen iney sii wadi doonaan wada shaqeynta Wasaaradda.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Maxamed Cismaan Naastaro oo soo xiray Munaasabaddan ayaa ku dheeraaday ballan qaadyada Wasaaradda iyo sida ay dowladda Soomaaliya uga goโan tahay iney ka dhabeyso joojinta Gudniinka Gabdhaha isaga dhinaca Kalena bayaaniya tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay Wasaaraddu u qaaday sidii loo joojin lahaa gudniinka Gabdhaha.
