Muqdisho,(SONNA):- Go’aan maamul oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa 12 kulan looga joojiyay ka qeybgalka kulamada wadajirka ah ee labada Gole Senator Ibraahim Awgaab Cusmaan.
Go’aankan ayaa ka dambeeyay qalalaaso iyo ku xadgudub Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare oo uu Senatorku ku kacay intii uu socday kulan wadajir ah oo ay labada Gole yeesheen, kaas oo qabsoomay 7-dii Febraayo, 2026.
