Muqdisho,(SONNA):- Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa maanta guddoomiyay kulan wadatashi oo looga doodayay laguna ansixiyay Siyaasadda Qaranka ee Ilaalinta Badqabka Rayidka inta lagu jiro waqtiyada colaadaha hubaysan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta habraacyada lagu ilaalinayo rayidka, waafajinta siyaasadda qaran ee badqabka shuruucda caalamiga ah ee baniโaadantinimada, iyo hubinta in hawl-gallada amniga loo fuliyo si masโuuliyad leh, isla-xisaabtan ku dhisan, isla markaana si buuxda loo ilaaliyo dadka aan hubaysnayn.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo u dhexeeya hayโadaha dowladda, bahwadaagta amniga, iyo daneeyayaasha bulshada, si loo helo siyaasad mideysan oo si wax-ku-ool ah loo hirgelin karo, una adeegta danaha amniga qaranka iyo badqabka muwaadiniinta.
Kulanka waxaa ka qaybgalay xubno ka socda Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Caddaaladda, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka, Hay’adda Qoxootiga Qaranka, iyo Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Arrimaha Ilaalinta Rayidka iyo wakiilo kale.
