Horudhac: – Dalkeennu waxa uu wajahayaa xaalad “Abaar biyo-yaraaneed” (Hydrological Drought) oo aad u ba’an, taasoo ka dhalatay is-biirsadka roobabka Deyrta (Oktoobar–Diisambar 2025) iyo kuleylka xad-dhaafka ah ee xilliga Jilaalka. Iyada oo ay gureen ilaha biyaha ee dushiisa iyo kuwa dhulka hoostiisaba, abaartu waxay isu beddeshay masiibo bini’aadamnimo oo khatar weyn ku ah badbaadada dadka iyo duunyada.
Saameyntu waxay si toos ah u taabatay in ka badan 4.6 milyan oo qof, kuwaas oo hadda wajahaya biyo la’aan ba’an iyo cunto-yari heerkeedu sarreeyo, oo ah wajiga saddexaad ee macluusha (IPC Phase 3+). Waxaa si gaar ah u tabaalaysan qoysaska xoolo-dhaqatada ah oo lumiyay kumanaan neef oo xoolo ah, iyo ku dhowaad 1.85 milyan oo carruur ah oo wajahaya nafaqo-xumo daran, sida hayadaha gargaarka ay diiwangaliyeen.
Gun-dhigga Masiibada:
Raadkii Deyrta 2025.
Dhibaatada maanta taagan waxay salka ku haysaa fashilkii roobabka Deyrta ee billowday Oktoobar ilaa Diisambar 2025, xilligaas oo dalku helay roobab ka hooseeya 50% heerkii la filayay. Roob yaraantaas waxay burburisay silsiladdii wax-soo-saarka beeraha iyo daaqsinka, iyadoo dalka u horseedday inuu galo xilli-engegan isagoon haysan wax kayd biyo ah (Water reserves).
Natiijada fashilkaas ayaa keentay in billowgii Janaayo ay guraan ilaha biyaha ee dabiiciga ah, taas oo dhalisay abaarta ba’an ee maanta (Febraayo 2026) ragaadisay nolosha malaayiin qof. Sidaas darteed, masiibada hadda jirta ma ahan mid kedis ah, balse waa raadka tooska ah ee ka dhashay isbeddelka cimilada ee curyaamiyay xilli-roobaadkii ugu dambeeyay ee sannadkii hore.
Xogta rasmiga ah ee xaaladda hadda taagan waxay xaqiijinaysaa in abaartu gaartay heerkii ugu sarreeyay, iyadoo dalku galay xaalad biyo la’aan baahsan oo saameysay dhammaan kaabayaasha nolosha. Sida ay sheegtay Hay’adda SoDMA, qiyaastii 4.6 milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa ku sugan xaalad tabaalaysan, kuwaas oo wajahaya cunto-yari ba’an ka dib markii ay fashilmeen wax-soo-saarkii beeraha iyo dhaqaalihii xoolaha oo ah 70% ilaha biyaha ee gobollada Koonfureed iyo Bartamaha ayaa gebi ahaanba gureen, taas oo qasabtay in qoysas badani ay u safraan masaafooyin fog si ay u helaan biyo aan nadiif ahayn, taas oo kordhisay halista cudurrada faafa.
Sida lagu xusay warbixintii ugu dambaysay ee UN OCHA Soomaaliya, biyo la’aanta ba’an iyo daaq-yaraanta waxay sababeen in ka badan 500,000 oo barakacayaal cusub ah, kuwaas oo u soo qaxay magaalooyinka waaweyn si ay u helaan nolol iyo gargaar. Maaddaama uu Jilaalku sii kululaanayo, qiimaha biyaha ee meelaha qaarkood ayaa sare u kacay boqolkiiba 200%, taas oo ka dhigtay in qoysaska danyarta ah aysan awoodin iibsashada biyaha, taas oo u baahan gargaar bini’aadamnimo oo degdeg ah oo ka kooban biyo-dhaamin iyo taageero caafimaad.
Daloolka u dhexeeya Xogta iyo Ficilka iyo Maareynta Cimilada Soomaaliya.
Abaarta hadda taagan ma ahan oo kaliya musiibo dabiici ah, balse waa natiijada isbeddelka cimilada ee dardar-geliyay xaaladaha ba’an (Extreme Weather Events). Cilladda ugu weyn ee jirta ma ahan xog-la’aan— maadaama digniinta hore (Early Warning) ay jirtay tan iyo fashilkii roobabka Deyrta, balse waa gaabiska ku yimid u beddelidda xogtaas ficil degdeg ah (Early Action). Isbeddelka cimilada ee Geeska Afrika wuxuu hadda u xuub-siibtay meerto aan la saadaalin karin, taas oo u baahan in nidaamka isgaarsiinta cimiladu uu noqdo mid firfircoon, isla markaana gaari kara dadka ugu nugul ka hor intaysan dhibaatadu dhicin.
Xogta cimilada ee laga soo saaro dayax-gacmeedyada waa in loo beddelo farriimo fudud oo ay fahmi karaan beeralayda iyo xoolo-dhaqatada, si ay u qaataan go’aanno ku dhisan badbaado. Haddii xogta lagu xiro maalgelin horudhac ah (Anticipatory Financing), waxaynu awood u yeelan lahayn inaan biyo-dhaaminta iyo taageerada caafimaad bilowno ka hor inta aysan ilaha biyuhu gurin. Sidaas darteed, xalka fog ee abaarta Soomaaliya kuma jiro gurmadka dambe, balse wuxuu ku jiraa isku-xirka xogta sayniska iyo isgaarsiin hufan oo hagta qorshayaasha badbaadada qaranka.
Saadaasha iyo Jidka loo maro Samata-bixinta.
Hababka cabirka saadasha ee ka soo baxay shirkii 72-aad ee (GHACOF 72) ee ay qabatay hay’adda ICPAC-IGAD bishii Janaayo 2026, saadaasha cimilada ee muddada Maarso ilaa Maay 2026 waxay muujinaysaa rajo soo kabasho ah. Inkasta oo bisha Maarso la filayo inay sii jirto xaalad kuleyl daran oo ka sarreysa 38°C meelaha qaarkood, xogta ayaa muujinaysa 45% fursad ah in roobabka Gu’gu ay noqdaan kuwo ka sarreeya celceliska caadiga ah (Above Normal) gobollada waqooyiga Soomaaliya, halka inta kale ee dalka la saadaaliyay roobab caadi ah. In kasta oo rajadaas ay jirto, hay’adda UN OCHA Soomaaliya waxay ka digaysaa in 4.8 milyan oo qof ay wali u baahan yihiin gargaar degdeg ah, iyadoo dadka ku jira xaaladda macaluusha (IPC 4) ay sii kordhi karaan ilaa bisha shanaad ee May haddii aanan hadda la dhaqaaqin.
Si looga gaashaanto masiibadan, waxaa lama huraan ah in la raaco talooyinka farsamo ee soo socda.
❖ Xoojinta Digniinta Hore (Early Action): Sida ay ku talisay ICPAC, waa in xogta GHACOF loo beddelo ficil degdeg ah (Anticipatory Action) si looga faa’iideysto roobabka la filayo, iyadoo la ilaalinayo hantida iyo nolosha reer miyiga.
❖ Maalgashiga
Kaabayaasha: In laga guuro gargaarka ku-meel-gaarka ah loona guuro dhisidda kaabayaal adkeysi leh, iyadoo la raacayo Qorshaha Gurmadka 2026 ee u baahan $852 milyan.
Ugu dambayn: Gurmadka Maanta iyo Adkeysiga Berrito.
Abaarta hadda taagan waa imtixaan adag oo u baahan midnimo qaran iyo gurmad caalami ah oo degdeg ah. Sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud shalay ku sheegay baaqiisa, “Waa inaan is-u-kaalmeeyno si aan walaalaheenna uga soo saarno harraadka iyo macaluusha,” isagoo ku adkeeyay in badbaadinta nolosha malaayiinka Soomaaliyeed ay tahay mudnaanta koowaad.
Si looga baxo meertada abaaraha, waa inaan ka guurnaa kaalmo-raadinta kumeel-gaarka ah una guurnaa maalgelinta kaabayaasha adkeysiga leh (Climate Resiliency).
Isku-xirka xogta sayniska iyo isgaarsiinta hufan waa in loo beddelaa qorshe qaran oo lagu dhisayo biyo-xireenno iyo ceelal waara, si mustaqbalka looga gaashaanto musiibooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.
“Dhibka hortaagan Soomaaliya ma ahan xog la’aan cimilada, balse waa farqiga u dhexeeya digniinta sayniska (Early Warning) iyo fulinta masuuliyadda (Early Action). Haddii xogta loo beddeli lahaa ficil xilliyeed, abaartu ma noqoteen masiibo”.
Abdirashid Nur.
Senior Journalist/Comunication and Climate Information.
Based Nairobi-Kenya.
Email:- Cabdirashiid88@gmail.com