Muqdisho.SONNAโฆ..Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si weyn uga mahadceliyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ansixinta heshiisyadda muhiimka ah ee la xiriira horumarinta badda iyo badmaaxiinta Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa xusay in heshiisyadani ay xoojinayaan iskaashiga caalamiga ah, ilaalinta badqabka badda, kor u qaadidda kalsoonida sumcadda dalkeenna iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha badda.
Mudaane Cabdulqaadir Maxamed Nuur waxaa sidoo kale uu sheegay in tallaabooyinkani ay qaadeen golaha wasiirada ay qeyb muhiim ah ka yihiin siyaasadda guud ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,kuwaas oo ku aaddan horumarinta arrimaha badda iyo dhaqan-gelinta qorshaha isbeddelka qaranka.
Wasiirka Dekedaha ayaa madaxda sare ee dalka uga mahadceliyay dadaalkooda, aragtidooda fog iyo taageeradooda joogtada ah ee lagu fulinaayo barnaamijyada waxtarka u leh dadka iyo dalka .
