Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Saalim Caliyow Ibrow iyo hoggaanka sare ee Xiriirka Ururrada Shaqaalaha ee FESTUii, oo uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee FESTU Cumar Faaruuq Cusmaan, ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadahadalka bulshada ee saddex-geesoodka (Dowlad, Shaqaale iyo Shaqo-bixiye), dardargelinta fulinta siyaasadaha iyo shuruucda shaqada, iyo hirgelinta Barnaamijka Shaqo Hufan (Decent Work Programme) ee Hayโadda Shaqaalaha Adduunka (ILO).
Intii kulanku socday, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen kor u qaadista iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo ururrada shaqaalaha, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, iyo horumarinta jawi shaqo oo ku dhisan cadaalad, badbaado iyo xasillooni, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo shaqooyin tayo leh.
Kulankan ayaa muujiyay goโaanka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee ku aaddan xoojinta wadahadalka bulshada iyo iskaashiga hayโadaha ay khusayso, si loo gaaro himilooyinka qaranka ee la xiriira shaqo-abuur, horumarinta xirfadaha, iyo xaqiijinta xuquuqda shaqaalaha.
