Muqdisho,(SONNA):- Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay shir qaran oo diiradda lagu saaray ka-jawaabista degdegga ah ee abaaraha iyo xoojinta nidaamyada ilaalinta bulshada, kaas oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hayโadda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo UN Women.
Shirkan waxaa xooga lugu saaray doorka haweenka ee hoggaaminta, qorsheynta iyo hirgelinta jawaabaha baniโaadannimo, iyadoo la hubinayo in baahiyaha haweenka, carruurta iyo dadka nugul lagu daro goโaamada gurmadka. Intii uu shirku socday, waxaa sidoo kale la ansixiyay qorshayaal degdeg ah iyo hab-raacyo hawlgal (SOPs) oo quseeya dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Galmudug, iyadoo Hayโadda Cuntada Adduunka (WFP) hoggaaminaysay.
Masโuuliyiinta SoDMA iyo bah-wadaagta caalamiga ah ayaa carrabka ku adkeeyay in natiijooyinka shirkan loo rogi doono tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu yareynayo saameynta abaaraha, laguna xoojinayo adkaysiga iyo badbaadada bulshooyinka Soomaaliyeed.
