Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Guddaha oo kulan la qaatay qaar ka mid ah madaxda Xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya
    January 28, 2026
    Soomaaliya iyo Turkiga oo dabaaldagay 60 guuradii kasoo wareegtay aasaaski xiriirka diblomaasiyadeed
    January 28, 2026
    Dowladda Soomaaliya oo martigelisay meertada 27-aad ee wasiirrada maaliyadda Dalalka Geeska Afrika
    January 28, 2026
    Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka midowga Yurub
    January 28, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Jamhuuriyadda Turkiga
    January 28, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo martigelisay meertada 27-aad ee wasiirrada maaliyadda Dalalka Geeska Afrika
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Soomaaliya oo martigelisay meertada 27-aad ee wasiirrada maaliyadda Dalalka Geeska Afrika
GudahaWararka

Dowladda Soomaaliya oo martigelisay meertada 27-aad ee wasiirrada maaliyadda Dalalka Geeska Afrika

By SB
Last updated: January 28, 2026
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda ee Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative) ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, taas oo ah guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka, Mudane Biixi Iimaan Cige, oo ah Guddoomiyaha madasha, ayaa shir-guddoomiyey kulankan heerkiisu sarreeyo ee Muqdisho ka furmay, isagoo si diirran u soo dhoweeyey wafuudda ka kala timid dalalka gobolka iyo saaxiibada caalamka.

Wasiir Biixi Iimaan Cige oo furay shirka ayaa soo bandhigay aragti fog oo ku aaddan isbeddelka gobolka, isagoo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in xuduudaha nugul loo beddelo aagag dhaqaale oo firfircoon.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga xuduudaha ay yihiin waddada ugu habboon ee lagu xaqiijin karo nabadda iyo barwaaqada shucuubta iyo dowladaha Geeska Afrika.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Wasiirka Qorsheynta Koonfurta Suudaan iyo masuuliyiin kale oo ka socda dowladaha gobolka iyo Urur Goboleedka IGAD.

Sidoo kale, waxaa goobjoog ahaa wakiillo sare oo ka socda saaxiibada horumarinta caalamiga ah, sida Midowga Yurub (EU), Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) iyo UK.

Shirka ayaa bilowgiisa maanta diiradda lagu saaray Tamarta iyo Kaabayaasha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa yaraanta korontada ee gobolka.

Madasha ayaa sidoo kale waxaa lagu falanqeeyey xogta ay soo bandhigeen Bangiga Adduunka iyo Midowga Yurub, taas oo muujisay in ku dhowaad kala bar dadweynaha Geeska Afrika aysan haysan koronto ku filan, iyadoo si weyn looga dooday hirgelinta isku-xirka tamarta gobolka, si hoos loogu dhigo qiimaha korontada, gaar ahaan Soomaaliya oo qiimaha tamartu uu aad u sarreeyo.

Wasiirrada ayaa dib u eegis ku sameeyey qorshaha dhismaha khadka korontada ee isku xiraya Itoobiya iyo Soomaaliya (500kV), mashruucaas oo la filayo in guddiga fulinta uu ansixiyo bisha Maarso 2026.

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo goobta ka hadlay ayaa ballanqaaday in dalkiisu uu sii ahaan doono xuddunta tamarta gobolka, isagoo xusay in ay diyaar u yihiin in ay la wadaagaan tamarta la cusboonaysiin karo dalalka deriska ah.

Jawiga shirka ayaa ahaa mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi. Wasiirka Maaliyadda Jabuuti ayaa bogaadin weyn ka helay Madasha, kadib markii uu khudbaddiisa ku jeediyey afka Soomaaliga, isagoo ammaanay soo dhoweynta qiimaha leh ee Muqdisho iyo horumarka ay caasimaddu ku tallaabsatay.

Shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed wadajir ah oo lagu xoojinayo ballanqaadyada ku aaddan isku-xirka ganacsiga xuduudaha, mideynta siyaasadaha tamarta, iyo horumarinta aagagga dhaqaalaha.

Intii uu shirku socday Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku soo biiri doono shirka, sida khudbad uu uga jeediyo, una soo xiro.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Guddaha oo kulan la qaatay qaar ka mid ah madaxda Xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa…

January 28, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

WASIIRKA WARFAAFINTA OO QAABILAY WAKIILKA MIDOWGA AFRIKA EE SOOMAALIYA

Muqdisho(SONNA)-: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka…

GudahaWararka
January 12, 2025

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulan la yeeshay…

GudahaWararka
January 11, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti kula kulmay wasiirka difaaca Mareykanka

Jabuuti-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka Jabuuti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka,…

GudahaWararka
September 24, 2023

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen oo ka warbixiyey xaaladda ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Yemen

Muqdisho(SONNA):-Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen, Danjire Cabdixakiin Xaaji Maxamed oo marti ku ahaa Barnaamujka ka baxa warbaahinta qaranka ee kulanka…

GudahaWararka
November 1, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023