Muqdisho (SONNA): Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka cusub ee 2026, iyo waxyaabihii ka fulay ama aan fulin ee qorshayaashii sanadkii tegay.
Shirka, oo socday laba maalmood, ayaa waxaa shir guddoominayey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Sulaymaan Maxamed Maxamuud. Waxaa ka soo qayb-galay dhammaan waaxyaha kala duwan ee dacwad-oogista Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, Xoghayaha Guud, iyo Agaasimayaasha.
Inta lagu guda jiray shirka, waaxyuhu waxay soo bandhigeen guulihii la gaaray iyo caqabadihii jiray sannadkii 2025, isla markaana lagu soo bandhigay qorshayaasha sannadka cusub ee 2026.
Gaba-gabadii shirka, Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa bogaadiyey dadaalka iyo horumarka laga gaaray qorshayaashii sanadkii hore, isagoo waaxyaha kala duwan kula dar-daarmay in shaqada hortabinta leh la dar-dar geliyo, laguna dadaalo hirgelinta iyo fulinta qorshayaasha sannadka 2026 ee shirka lagu ansixiyey.
