Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
GudahaMaqaalladaWararka

Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 25, 2026
5 Min Read
Share

Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa la yaaban dagaalka lagala hortagay waayahaan dambe, sida dagaaladii jabka loogu gaarsiiyay ee ay ka mid ahaayeen kii ka dhacay magaalada Ceeldheer ee gobolka Galguduud, kii deegaanka Jabad Godane ee ka tirsan Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelada Dhexe oo dhammaantood ay ciidanka Soomaaliyeed ay jawaabta degdeg ah ka bixiyeen iyo waliba weerarkii xooganaa ee ay Arbacadii kula wareegeen gacan ku haynta Jasiiradda Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada danab iyo kuwa Jubbaland iyo saaxiibada Caalamka  ayaan ayaa ka howlgalay sidii Jasiirada Kudhaa, oo ah deegaan istiraatiiji ah, isla-markaana ku dhow xuduudda Somaliya iyo Kenya ay gacanta ugu dhigi lahaayeen. Kooxda Shabaabka ayaa u bartay in inta badan looga haro goobaha ay weerarada abaabulan ku qabsadaan, laakiin wixii ka dhacay Kudhaa ayaa keeni kara in albaabkaasi uu soo xirmo.

Khawaarijta Shabaabka ayaa xisaab khaldan isku dhufsaday, marka aad milicsato inuu damacoodu ahaa inay hantaan Kudhaa, laakiin falcelinta ay ciidamadu sameeyeen ayaa calaamad u ah in ciidamadu ay dib u qabsan karaan dhulka dagaalka looga qabsado, haddii si sax ah loogu jiheeyo.

Xoogagga Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa waqti yar gudahood ku xaqiijiyay inay dib ula wareegaan Kudhaa, iyagoona Shabaabkii soo duulay ka dhigay wax la dilo, wax la dhaawaco, in la qabto iyo in kaloo carartay. Hawlgalkan lagu xakameeyay is ballaarinta Al Shabaab ayaa waxaa gacan ka gaystay diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah. Diyaaradaha ayaana gubay toban ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee ay Shabaabku wateen. Dib u qabsashada Jasiiradda Kudhaa ayaa kor u qaadeysa mooralka ciidamada, waxayna iftiimineysaa in ciidanka uu Qaranku leeyahay ay ku filan yihiin dalka difaaciisa, haddii hoggaanka ay ka go’an tahay in lala dagaalamo Shabaabka hubeysan ee caqabadda ku noqday amniga iyo horumarka dalka.

Khubarada dhinaca Militariga ayaa waxay isku raacsan yihiin hal mid, taasoo ah inaysan istaagi doonin weerarada Al Shabaab, illaa iyo inta laga soo celinayo cadaadiskii Militari ee lagu hayay Maleeshiydaasi. Cadaadiska Militari ee ciidamada ayaa hoos u dhigaya in kooxaha Khawaarijtu ay helaan fursado ay ku abaabuli karaan weeraro waaweyn.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo deegaanka Kudha ayaa tibaaxaya in Ciidamada Xoogga Dalka ee Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa soo Afjaren Khawaarijtii soo weerartay deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, iyagoo Warbaahinta u soo bandhigay Meydadka Maleeshiyaad badan oo ka tirsan Khawaarijta iyo horjoogayaashoodii oo lagu laayey dagaalkaasi.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee la sameeyay ilaa habeen hore ayaa lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, iyadoo sidoo kale lagu soo qabtay labo xubnood oo dhaawac ah, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee deegaanka Kudhaa, waxaa kale, Aroornimadii shalay Subax ciidamo howlgal qorsheysan ka fuliyay isla deegaankaas ayaa dilay afar xubnood oo ka mid ahaa firxadkii Khawaarijta ee ka baxsaday dagaalladii hore, ayna Ciidamadu soo bandhigeen Gaadiid dagaal iyo Hub ay dagaalka Kudhaa uga furteen Khawaarijta, kadib markii lagu laayey dagaalkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dagaalkaan oo soo bilowday Waaberigii habeen hore ilaa shalay ayay soo afjareen, kadib markii ay hareereeyeen cadowga, kadibna ay ku laayeen halkaas, iyagoo ugu dambeyn soo bandhigay Meydadkooda oo tiro beel ah.

Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ayaa sidoo kale jab xoogan kala kulmay dagaal ka dhacay deegaanka Jabad Godane oo ka tirsan Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelada Dhexe Todobaadkii hore, halkaasi oo looga dilay boqolaal Argagixiso ah, islamarkaana looga furtay Hub iyo Saanad fara bada.

Dhinaca kale Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta aha ayaa dilay horjooge lagu magaciisalagu soo koobay Timaweyne, ka dib howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Horjoogaha la khaarijiyay ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa Baadda Shacabka, wuxuuna muddo badan oo ay qaati ka taagnaayeen Dadka shacabka ah ku baxay gacanta geesiyaasha Qaranka. Sidoo kale, ciidamada ayaa intii ay howlgalka wadeen waxay gacanta ku dhigeen Mooto nooca loo yaaan Feykon iyo Qori AK47 ah, oo ay dadka Musaafurka ah kagu dhibaateyn jiray.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha SoDMA oo dalka Kuwait kaga qeyb-galay shirka madal-goboleedka Carabta

Kuwait city-(SONNA)-Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo hoggaaminaya waftiga dowladda Soomaaliya ee dalka Kuwait kaga qeyb-galay meertada…

GudahaWararka
February 12, 2025

SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

MUQDISHO(BAKOOL):-Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta loo asteeyay, si ay uga qayb galaan doorashada golayaasha deegaanka…

GudahaWararka
May 10, 2026

Madaxweyne Laftagareen iyo Safiir ku-xigeenka Ingiriiska u jooga Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimaha amniga

Baydhabo-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Baydhabo ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayo Safiir ku-xigeenka…

GudahaWararka
March 8, 2023

Wasiir Fiqi oo kormeeray fariisimaha ciidamada XD ee Baydhabo

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed…

GudahaWararka
April 5, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023