Muqdisho(SONNA):- Ciidanka Hayโadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad argagixiso oo isku xiran, kana kooban illaa shan (5) xubnood, kuwaas oo qorsheynayay in ay si qarsoodi ah ku soo galaan magaalada Muqdisho, si ay uga fuliyaan falal lid ku ah amniga iyo xasilloonida caasimadda.
Sirdoonka Qaranka oo si dhow ula socday dhaq-dhaqaaqyada shabakaddan iyo dhagaraha ay maleegayeen, ayaa sidoo kale hawlgalkaas ku soo qabtay nuucyo kala duwan oo qaraxyo ah, hub, iyo gaadiid, kuwaas oo ay qorsheynayeen in ay u adeegsadaan falalkooda argagixiso.
Shabakaddan ka tirsan Khawaarijta ayaa loo gudbin doonaa hayโadaha caddaaladda, si loo marsiiyo sharciga, waxayna Hayโadda NISA uga mahadcelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed wada shaqeynta joogtada ah iyo taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada amniga oo mar walba u taagan difaaca shacabka.
Fadlan muwaadin, haddii aad hayso xog ama aad aragto wax khatar ku ah amniga, ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish, la wadaag NISA lambarradan hoos ku qoran:
๐ 199
๐ 0770 747474
๐ 0620 545454
