Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo Kawada Hadlay Xoojinta Xiriirka Laba-geesoodka ah
    January 19, 2026
    ๐†๐”๐ƒ๐ƒ๐Ž๐Ž๐Œ๐ˆ๐˜๐€๐‡๐€ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐Š๐€ ๐๐€๐๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐‘ ๐Ž๐Ž ๐—๐€๐‘๐ˆ๐†๐†๐€ ๐Š๐€ ๐‰๐€๐‘๐€๐˜ ๐ƒ๐”๐†๐’๐ˆ๐†๐€ ๐†๐€๐๐ƒ๐‡๐€๐‡๐€ ๐ƒ๐€๐‘๐Œ๐Ž๐Ž๐‹๐„๐˜
    January 19, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    Guddoomiye Muungaab โ€œSi loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.โ€
    January 19, 2026
    Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta
    January 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
GudahaMaqaalladaWararka

Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 19, 2026
8 Min Read
Share

Soomaaliya waa qaran ka mid ah dalalka Afrika ugu geesisan taariikhda. Gumaysigii Yurub marka uu qaaradda ku fidayay si fudud, Soomaalidu ma aqbalin in la xukumo ama la addoonsado. Iyagoo aan haysan dowlad mideysan iyo hub casri ah, haddana waxay si toos ah ula dagaallameen quwadihii ugu xoogga badnaa dunida muddo ka badan labaatan sano. Halganadii Daraawiishta iyo geesiyaal Soomaaliyeed waxay muujiyeen in xorriyaddu ka qiimo badan tahay nolol la hoos joogo gumaysi. Taariikhdu waxay caddeynaysaa in Soomaalidu yihiin dad dhiirran, karti leh, kana marag kacay gumaystihi reer yurub ee waqtigas ku so duulay Afrika.

Soomaaliya waa dal hodan ku ah kheyraad dabiici ah, istiraatiijiyad juqraafiyeed iyo awood bulsho oo aan weli si buuxda looga faaโ€™iidaysan. Sida uu ku muujinayo wareysiga Danjire. Daahir Maxamuud Geelle, Soomaaliya maanta waxay taagan tahay meel taariikhi ah oo u baahan aragti fog, maalgashi iyo kaabayaal dhaqaale si ay u noqoto dal kaalin muuqata ka qaata gobolka iyo caalamkaba.

Soomaaliya waxay ku taallaa meel ay ku kulmaan laba bulsho oo waaweyn: Bulshooyinka Afrikaanka madow iyo kuwa Carabta. Isgoyskan dhaqan, diin iyo ganacsi wuxuu dalka siinayaa kaalmo istiraatiiji ah oo ka duwan dalal badan oo ku yaalla gobolka. Intaas waxaa dheer, Soomaaliya waxay u dhexaysaa laba qaaradood, Afrika iyo Aasiya, taas oo ka dhigaysa buundo isku xirta Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe.

Wareysiga Danjire Daahir waxaa lagu soo koobi karaa in Soomaaliya dhacdo isgoys istiraatiiji ah: halka isku xirta laba qaaradood, kulmisa laba bulsho (Afrikaan iyo Carab), laba bad (Badda Cas iyo Badweynta Hindiya) iyo laba marin-biyood oo caalami ah. Isku darka arrimahan ayaa Soomaaliya ka dhigaya dal leh mustaqbal weyn. Waxa keliya ee loo baahan yahay waa aragti fog, hoggaan wax-ku-ool ah iyo maalgashi u dhigma kheyraadka iyo fursadaha uu dalku leeyahay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Laascaanood kaga qeyb galay caleema saarka Madaxweynihii ugu horeeyay ee dowlad goboleedka lixaad ee ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhawaan la aqoonsaday.

Munaasabadaan ayaa ku soo beegantay xilli ay Soomaaliya dadaal ugu jirto sidii ay u xaqiijin laheyd madax-banaanideeda Qaranimo iyo madax-banaanideeda dhuleed, ka dib markii ay Israaโ€™iil dhawaan si rasmi ah u aqoonsatay maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland, taas oo ka caraeysiisay Beesha caalamka iyo wadamada kulaala Badda Cas, iyadoo dalal badani sheegeen in goโ€™aanka Tel Aviv uu ku xad-gudbay Qarannimada Soomaaliya.

โ€œWaxaan mahadcelin ballaaran u jeedinayaa Kumanaanka shacabka reer Laasacaanood ee isugu jira Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada, Culumaa’udiinka iyo mas’uuliyiinta Dowlad-goboleedka, kuwaasi oo safafka dhaadheer u soo galay soo dhoweynteennaโ€, siaasi waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr> Xasan Sheekh Maxamuud.

โ€œMagaalada taariikhda hodanka ah leh eeย  Laascaanood, waxa ayย  astaan u tahay adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana muddada aan joognoย  kulmmo la qaadan doonaa hoggaanka iyo hormuudka Waqooyi Bari, si loo xoojiyo nabadda, dib u heshiisiinta iyo dowlad-dhiskaโ€, ayuu sii raaciyay Dr.Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku tilmaamay bilow taariikhi ah oo lagu xoojinayo midnimada dalka, waxa uuna sheegay in Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari uu yahay maamul ku dhismay dib-u-heshiisiin, wadahadallo iyo rabitaanka bulsho, sidaas darteedna uu xubin buuxda ka yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

โ€œWaqooyi Bari waa dowlad xubin ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna leedahay dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dowlad-goboleedyada kale ee dalka. Maamulka Hargaysa waxaan ugu baaqayaa inay ajiibaan rabitaanka nabadda iyo walaaltinimada ay diyaarka u yihiin walalaahooda Waqooyi Bari, ma nihin dad kala maarmi karo, waana soo tijaabinnay inaan la is-maquunin karinโ€, ayuu yiri Madaxweynaha.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlaayay munaasabaddii Caleemo Saarka Madaxweynaha maamul Waqooy Bari ee Soomaaliya ayaa si weyn u ammaanay qabkii loo asoo agaasimaha munassabadda, islamarkaana mahadcelin u soo jeediyay dhammaan intii ka soo qeybgashay, waxaase uu sheegay hadal taariikhda galaya.

โ€œWaa nasiib-darro in Madaxweyne Qoor qoor fadhiyo, halka Deni uu maqan yahay; kan kalena (Madoobe) anigu Madaxweyne uma aqaan. In Qoorqoor joogo, Deni-na maqan yahay waa taariikh iyo calaamad muujinaysa in laga gudbay reer-reer loona gudbay Soomaalinimo.โ€

โ€œWaxaan bogaadinayaa dowladda iyo shacabka reer Waqooyi Bari, dadaalka ay ugu jiraan midnimada iyo wadajirka dalkeeenna, kama aydan shaqayn kala fogaynta Ummadda Soomaaliyeed, waxa aad xoogga saarteen sidii aad u heli lahaydeen nabad, isku duubni, waxaad xoogga saarteen daris wanaagga iyo dowlad-dhiska midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa ku amaanay bulshada ku nool deegannada Waqooyi Bari Soomaaliya dadaalkooda ay galiyeen nabadda, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay in ay waqti adag u hiiliyeen sidii mar-labaad Calanka Jamhuuriyadda looga taagi lahaa Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Marka sow lama dhihi karo magaalada Laascaanood waa caasimadda midnimada dalka.

Dhinaca kale Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran u dirtay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed kadib munaasabaddii si guul leh loogu caleema-saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, taas oo ka dhacday magaalada Laascaanood.

Qoraalka ka soo baxay Safaaradda Shiinaha ayaa lagu sheegay in hambalyadaasi loo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si habsami leh uga qeyb qaatay una suurtageliyey qabsoomidda xafladda caleema-saarka.

โ€œSafaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha waxay hambalyo diiran u diraysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Raโ€™iisul Wasaaraha, Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si nabad ah u qabtay munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo lagu qabtay magaalada Laascaanood,โ€ ayaa lagu yiri Qoraalka Safaardda. Safaaraddu waxay sheegtay in fariintani ay ka tarjumeyso taageerada joogtada ah ee Shiinaha u hayo geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, iyo sida ay uga goโ€™an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, kaas oo ku saleysan ixtiraam, madaxbannaani, iyo iskaashi miro-dhal ah.ย Safaaradda Shiinaha ayaa xaqiijisay in Dowladda Shiinaha ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xoojiyo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka guud ee dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo Kawada Hadlay Xoojinta Xiriirka Laba-geesoodka ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Abdisalam…

January 19, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Itoobiya oo wada saxiixay cusbooneysiinta is-afgaradka difaaca MoU

Addis Ababa (SONNA):- Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya mudane…

CaalamkaGudahaWararka
December 7, 2023

Madaxweynaha Puntland oo goobjoog ka noqday dhaarinta xeer Ilaaliyaha guud iyo Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida

Boosaaso(SONNA):-Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarintaย  xeer Ilaaliyaha guud ee Dowladd…

GudahaWararka
February 12, 2023

Raโ€™iisul wasaaraha Qatar oo xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya

Doxa-(SONNA)- Raโ€™iisul wasaaraha Dalka Qatar, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa Xafiiskiisa Doxa ku…

Wararka
September 25, 2019

Xildhibaanno ka tirsan BFS oo ka qayb galay aas-aaska gole mideynaya baarlamaannada Qaaradaha Afrika iyo Aasia

Beirut-Lebnon-(SONNA)-Shir lagu aas aasayay Gole Baarlamaan cusub oo mideynaya sharci dejiyayaasha Qaaradaha Afrika iyo Aasiya ayaa lagu qabtay Magaaladda Beirut…

GudahaWararka
September 11, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023