Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: RW Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > RW Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna
GudahaWararka

RW Xamsa oo adkeeyay muhiimadda Difaaca Dalkeenna

By Dahir Aadan Cali
Last updated: January 17, 2026
2 Min Read
Share

Laascaanood,(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo maanta ka qabsoomay magaalada Laascanood Xarunta Gobolka Sool.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Guddoonka Golaha Wakiillada iyo dhammaan goleyaasha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo ku booriyey in ay ka shaqeeyaan u adeegidda dadka ku nool deegaannadooda, akeynta amniga xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo nabadeynta bulshada.

“Waxaan bogaadinayaa dowladda iyo shacabka reer Waqooyi Bari, dadaalka ay ugu jiraan midnimada iyo wadajirka dalkeeenna, kama aydan shaqayn kala fogaynta ummadda Soomaaliyeed, waxa aad xoogga saarteen sidii aad u heli lahaydeen nabad, isku duubni, waxaad xoogga saarteen daris wanaagga iyo dowlad-dhiska midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo farriin u diray ummadda Soomaaliyeed, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leeday difaaca dalkeenna, midnimadda shacabka iyo dowladda, isaga oo sheegay in Bahada Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Haldoorkooda, looga baahanyahay u istaagidda Qaranimada.

“Waxa aan u baahannahay midnimo iyo wadajir dadka Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqaya in ay baraarugaan oo xaqiiqada aqbalaan, maanta dalkeenna waxa uu ku jiraa marxalad siyaasadeed oo u baahan dhiifoonaan, waxaa muhiim ah xilligan oo kale in hoggaanka dalka lagu garab istaago dadaallada joogtada ah ee ay ugu jiraan sidii ummadda Soomaaliyeed la isugu keeni lahaa midnimadana loo difaaci lahaa”.

Mudane Xamsa, ayaa ku amaanay bulshada ku nool deegannada Waqooyi Bari Soomaaliya dadaalkooda ay galiyeen nabadda, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay in ay waqti adag u hiiliyeen sidii mar-labaad Calanka Jamhuuriyadda looga taagi lahaa Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Galmudug oo sheegtay in ay tayaynayso dhaqanka da’yarta+Sawirro

Dhuusamareeb-(SONNA)-Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka daah-furtay munaasabad lagu maamuusayo dhaqanka, si loo baro Dhalinyarada da'da…

WararkaWargayska
February 28, 2021

Madaxweynaha dalka oo si rasmi ah u furay shirweynaha Wadatashiga

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Wadatashiga Madaxdii Hore iyo Siyaasiyiinta.…

GudahaWararka
July 12, 2023

Madaxweynaha oo guddoomiye cusub u magacaabay Jaamacadda Ummadda

Muqdisho(SONNA);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmiya oo dhaqangal ah ugu magacaabay Maxamed Maxamuud…

GudahaWararkaWaxbarashada
September 8, 2025

Soomaaliya oo ku guuleysatay hufnaanta adeegga sare ee Hawada (A) (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA)--Todobaakii la soo dhaafay waxaa Dowladda Soomaaliyed iyo Shacbigeedaba u qabsoomay waxyaabo badan oo kor u qaadaya masiirka Umadda Soomaaliyed,…

GudahaMaqaalladaWararka
January 31, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023