Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Shabeellada Dhexe oo deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidanka xoogga ee jooga Wargaadhi
    January 8, 2026
    Dowlad Goboleedka K/Galbeed oo dallacsiiyay saraakiil boliis ah
    January 8, 2026
    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay waddo cusub oo laga hirgalinaayo Jamhuuriya
    January 8, 2026
    Shirkado kamid ah kuwa wax-soo-saarka beeraha oo la siiyay lacago maalgalin ah
    January 8, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddoomiyey shirka guddoomiyaasha degmooyinkooda
    January 7, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Warfaafinta oo bogaadiyay doorka Wakaaladda SONNA xilli ay u dabaaldegayso sanadguuradii 62-aad
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Warfaafinta oo bogaadiyay doorka Wakaaladda SONNA xilli ay u dabaaldegayso sanadguuradii 62-aad
GudahaWararka

Wasiirka Warfaafinta oo bogaadiyay doorka Wakaaladda SONNA xilli ay u dabaaldegayso sanadguuradii 62-aad

By Abdulkadir
Last updated: January 5, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta  dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) oo u dabaaldageeyso munaasabadda xuska sannad-guuradii 62-aad.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta qarabka  ayaa sheegay in SONNA ay tahay isha rasmiga ah ee wararka Soomaaliya, isla markaana ay door muhiim ah ka qaadato gaarsiinta wararka dowladda iyo kuwa qaranka ee ku wajahan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale caalamka u soo bandhigta xaqiiqada ka jirta dalka.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xusay in Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ay leedahay taariikh dheer oo ku suntan hufnaan, karti iyo waajibaad-fulin, isla markaana howlwadeennadeedu ay si daacadnimo leh ugu adeegaan danta guud, kuna xiraan Soomaaliya warbaahinta caalamka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in SONNA ay noqotay isha ugu weyn ee laga soo xigto wararka Soomaaliya, gaar ahaan marka warbaahinta caalamku doonayaan xog iyo warbixinno la xiriira xaaladda dalka, isagoo xusay in wakaaladdu xiriir shaqo la leedahay in ka badan 70 wakaaladood oo warar caalami ah, kuwaas oo isugu jira telefishanno, idaacado, jaraa’idyo iyo warbaahinno casri ah.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta ayaa hambalyo gaar ah u diray tifaftirayaasha, wariyeyaasha, farsamayaqaannada iyo dhammaan shaqaalaha SONNA, isagoo ku ammaanay doorkooda muuqda ee horumarinta warbaahinta qaranka iyo wacyigelinta bulshada.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xusay in wakaaladdu sannadihii u dambeeyay sameysay horumar ballaaran oo dhanka tiknoolajiyadda iyo casriyeynta qalabka warbaahinta ah, taas oo ka dhigtay mid la jaanqaadaysa wakaaladaha wararka ee caalamka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta ayaa carrabka ku adkeeyay in SONNA ay door weyn ka qaadato istaraatiijiyadda dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan tebinta arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, dib-u-dhiska dowladnimada, dib-u-heshiisiinta, geeddi-socodka siyaasadeed iyo wacyigelinta bulshada, isagoo u rajeeyay wakaaladda horumar, nabad iyo barwaaqo, isla markaana ay sii waddo waajibaadkeeda qaran ee ay u hayso shacabka Soomaaliyeed

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Shabeellada Dhexe oo deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidanka xoogga ee jooga Wargaadhi

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur oo ay la socdaan  Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad…

January 8, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Sacuudiga oo ku dhawaaqday in Soomaaliya ay ku soo baxday liiska dalalka sida wanaagsan ugu adeegay xujeydooda

Makkah-(SONNA)-Ka dib markii dhawaan dowladda Sacuudigu shaacisay in Soomaaliya ay kaalinta 5-aad ka soo gashay dalalka sanadkaan sida wanaagsan ugu…

GudahaWararka
June 2, 2024

Hindiya oo shixnad dawo ah ugu deeqday Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa dowladda India kala wareegay 10…

GudahaWararka
September 17, 2025

Wasiir Khadiija oo magaalada Addis Ababa uga qeyb gashay shirka arrimaha Haweenka Afrika

Muqdisho (SONNA):- Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda federaaalka Soomaaliya Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa xarunta midowga Africa ee dalka…

CaalamkaGudahaWararka
November 13, 2023

Ciidanka Xoogga oo deegaanka Ceel-Bacad ku dilay 67 ka mid ah Khawaarijta Al-shabaab

Ciidanka xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Ceel-Bacad ee gobolka Shabeellada dhexe ku dilay 67 ka…

Gudaha
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023