Muqdisho,(SONNA):- Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aanka gardarada ah ee maamulka Israa’iil uu ku kala qeybinayo midnnimada dhulka Soomaaliyeed.
Shacabka Muqdisho oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aysan u baahneyn in balaayo iyo Yahuud loo soo dhoweeyo, iyagoo si weyn uga falceliyay tallaabada garadarada ah.
” Waa fariin loo diray dadka Soomaaliyeed oo macnaheedu tahay in ay midowbaan, waa fariin loo diray dibloomasiyadda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ah hadda ka dib in ay diyaargarowbaan, aqoonsiga hadda la sheegayo wax macno ah oo uu soo kordhinayo malahan, Israa’iil iyadaaba adduunka laga aqoonsaneyn,” ayuu yiri mid ka mid ah shacabka Muqdisho.
Dowladda Federaalka iyo shacabkeeda oo isku duuban ayaa si wadajir ah oo gobonimo ah u difaacay qaddiyadda, midnimada iyo madax bannaanida dhuleed ee dalkeenna ka dib markii uu ku soo xadgudbay maamulka Yahuudda ee Israa’iil.