Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar
    December 27, 2025
    Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay  Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland
    December 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika
    December 27, 2025
    Dalal iyo Ururro Caalami ah oo si Adag uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil ee Maamulka Somaliland
    December 27, 2025
    dowladda Ciraaq oo si adag u cambaareysay xadgudubka ay Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    December 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika
GudahaWararka

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

By SB
Last updated: December 27, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo diblumaasiyadeed oo degdeg ah kula yeeshay khadka taleefoonka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ahna Guddoomiyaha IGAD Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya ahna guddoomiyaha Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray xadgudubka sharci-darrada ah ee Ra’iisul Wasaaraha Yuhuuddu uu kula kacay madax-bannaanida iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo halis ku ah xasilloonida iyo amniga Gobolka, kana soo horjeedda xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah.

Hoggaamiyeyaasha Gobolka ee uu Madaxweynaha la hadlay ayaa si adag oo mideysan u caddeeyey garab-istaaggooda buuxa ee gobannimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyagoo adkeeyey in aqoonsi kasta oo ka dhan ah dhul ka tirsan dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay uu yahay xadgudub cad oo ka soo horjeeda Axdiga Qaramada Midoobay, mabda’a Midowga Afrika ee midnimada dhuleed iyo qawaaniinta hagaya xiriirka dowladaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa sii wada wada-tashiyada oo uu la yeelanayo Madaxda Caalamka, si loo xoojiyo tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ee ku aaddan dhammaan dariiqyada sharciga, diblumaasiyadeed iyo siyaasadeed ee caalamiga ah, ee difaaca midnimada iyo madax-bannaanida iyo qarannimada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-tashi diblumaasiyadeed kula yeeshay khadka…

December 27, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dad shacab ah oo ku geeriyooday Miino kooxda Khawaarijtu dhigtay jidka u dhexeeya Jowhar iyo Balcad

Jowhar(SONNA):-kooxda khawaarijta ee arxanka darran ayaa saaka qarax miino nooca dhulka la geliyo ah u dhigtay Dad Shacab ah oo…

GudahaWararka
August 3, 2024

Golaha wasiirada Hirshabeelle oo ka shiray dagaalka Khawaarijta iyo horumarinta adeegga caafimaadka

Jowhar(SONNA):-Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada kaas oo diirada lagu saaray arrimo dhowr…

GudahaWararka
April 28, 2025

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Caabudwaaq “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xusseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayay oo oo isugu jira xubnaha labada…

Wararka
December 16, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay agaasimaha hay’adda sirdoonka Suudaan

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha JFS nudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee…

GudahaWararka
August 27, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023