Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariim Axmed Xasan ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay dhammaan degmooyinka ay ka socdaan doorashada golaha deegaanka.
Guddoomiyaha ayaa u kuur-galay habsami u socodka doorashada iyo sida hudan ee dhallinyarada ugu shaqeeyaan dadka codeynaya.
16-ka degmo ee ay yaalaan sanaadiiqda codbixinta ayuu guddoomiye Cabdikariim ku soo arkay howl culus oo socota iyo shacab Soomaaliyeed oo hamuun u qaba in ay codkooda dhiibtaan si ay u goโaamiyaan cidda ay masiirkooda ku aamini lahaayeen.
โโ Waxaan aragnay dad Soomaaliyeed oo aad ugu hammuun qaba in ay codkooda dhiibtaan, dadka leenkooda sida aad warbaahinta ka aragteen aad buu u dhaadheeraa, waxay isugu jireen dad waayeel ah, dhallinyaro, dad baahiyo gaar ah qabay, odayaal iyo hooyooyin,waxyaabaha yaabka leh ee aan aragno waxaa ka mid ah maamo dhashay oo saddex maalmood canugeedu jiro iyadoo leenka ku jirta aragnay oo waliba faraxsan in ay codeyso,โโ. ayuu ku yiri guddoomiyaha.
Hayโadaha amniga ayaa aad isugu xilsaaray in ay si adag u ilaaliyaan amniga guud ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan nabadgalyada goobaha codbixinta iyo dadka codeynaya, waxayna Dowladda dadaal xooggan ku bixisay in ay dadka si nabdoon ku codeeyaan.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdkariim Axmed Xasan waxaa kormeerka ku wehelinayay taliyaha Booliska Soomaaliyeed Asad Cismaan Cabdillaahi iyo xubno kale oo Guddiga ka tirsan.
Doorashada oo soo bilaabatay aroortii hore ee saakay ayaa wali si habsami ah uga socota magaalada Muqdisho, waxaana la arkayaa dad badan oo safaf dhaa-dheere ugu jira in ay codkooda dhiibtaan.
