Muqdisho(SONNA):-Guddoomiye Ku Xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa saaka kormeeray ololaha nadaafadda iyo ilaalinta deegaanka ee ka socday Xeebta Liido.
Ololahan oo ah kii 223-aad ayaa waxaa si joogto ah toddobaad kasta u qabta dhalinyaro mutadawiciin ah, kuwaas oo ka shaqeeya nadiifinta xeebta Liido. Inta lagu jiro ololaha, waxaa laga qaadaa qashinka kala duwan, gaar ahaan caagagga, bacaha, dhalooyinka iyo walxo kale oo khatar ku ah caafimaadka bulshada iyo badbaadada deegaanka.
Sidoo kale, Naadiga Dhalinyarada Nabadda ee Muqdisho, ee maalintii shalay loo soo xiray tababar kor loogu qaadayo doorkooda bulsho, oo saaka si rasmi ah ugu biiray ololahan, ayaa kaalin muuqata ka qaatay hawlaha ilaalinta deegaanka, gaar ahaan Xeebta Liido, iyagoo sidoo kale halkaas ka jeediyay fariimo wacyigelin ah oo ku saabsan nabadda, is-dhexgalka bulshada iyo masโuuliyadda muwaadinnimo.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa adkeynaya muhiimadda ay leedahay awood-siinta bulshada iyo kor-u-qaadista dhaqanka wanaagsan ee mutadawacnimada, kuwaas oo ah tiirarka lagu xaqiijin karo bulsho iyo dowlad wadashaqeeya, isla markaana muujinaya masโuuliyad wadareed uu muwaadin kasta doorkiisa ka qaadanayo horumarinta dalka iyo ilaalinta deegaanka.
