Muqdisho (SONNA): Wasiirka Gaashaandhigga mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Xasan Cumar Maxamed oo Muqdisho u yimid ka qeybgalka Kalfadhiga 35-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF)
Labada Wasiir ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada amniga iyo difaaca iyo wada-shaqeynta labada dal ee gobolka. Wasiir Fiqi ayaa ka mahadceliyay kaalinta Jabuuti ay ka qaadatay dhismaha dowladda Soomaaliya iyo ka qeybgalkeeda howlgalka AUSSOM, taasoo muujinaysa taageero joogto ah iyo garab istaag dhab ah oo walaaltinimo.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, iyo masโuuliyiin kale oo ka socday labada dhinac.
