Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Hay’adda Isgaarsiinta oo daah-furtay mashruuc xoojinaya amniga Internet ka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hay’adda Isgaarsiinta oo daah-furtay mashruuc xoojinaya amniga Internet ka
GudahaWararka

Hay’adda Isgaarsiinta oo daah-furtay mashruuc xoojinaya amniga Internet ka

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: December 15, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):  Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Jaamacadda SIMAD, iyagoo kaashanaya Hay’adda Amniga Saaybarka Malaysia, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Faraca Soomaaliya ee Xarunta Shahaadooyinka Caalamiga ee Amniga Saaybarka (Global Accredited Cybersecurity Education – ACE), taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda Qaranka ee amniga internetka iyada oo la adeegsanayo halbeegyo caalami ah iyo shahaadooyin xirfadeed oo la aqoonsan yahay.

Munaasabadda daah-furka, oo ka dhacday xarunta SIMAD Town Campus, waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socday Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka , Jaamacadda SIMAD, iyo Hay’adda Amniga Saaybarka Malaysia, si si rasmi ah loogu soo bandhigo qaab-dhismeedka Caalamiga ah ee Global ACE ee Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlayay furitaanka munaasabadda, Maamulaha Guud ee Hay’adda Amniga Saaybarka Malaysia, mudane Dato’ Ts. Dr. Haji Amirudin Abdul Wahab ayaa sheegay in dhismaha Cutubka Qaranka ee Soomaaliya uu ka tarjumayo ballanqaad wadajir ah oo ku aaddan xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee waxbarashada amniga internetka. Waxa uu xusay in nidaamka Global ACE uu ka caawinayo dawladaha iyo hay’adaha tacliinta horumarinta xirfadlayaal leh aqoon, anshax, iyo diyaar-u-ahaansho ku saabsan qeybta amniga saaybarka, kuwaas oo la jaanqaadaya halbeegyada caalamiga ah isla markaana leh aqoonsi is-dhaafsi caalami ah.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Dr Cabdikariim Muxyadiin, ayaa tilmaamay kaalinta jaamacadda ee martigelinta iyo taageeridda Cutubka Qaranka ee Global ACE, isaga oo yiri: “Jaamacadda SIMAD waxay ku faraxsan tahay in ay martigeliso Cutubka Qaranka ee Global ACE ee Soomaaliya. Hindisahan waxa uu taageerayaa himiladeenna ah bixinta waxbarasho tayo sare leh oo caalami ah, isla markaana ku qalabeysa dhalinyarada iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed xirfadaha loo baahan yahay si loo ilaaliyo loona horumariyo mustaqbalka dhijitaalka ah ee dalka.”

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, ayaa dhankiis adkeeyay sida ay hay’addu uga go’an tahay dhismaha nidaam qaran oo adag oo saaybarka internet-ka ah, isaga oo sheegay: “Daah-furka Cutubka Qaranka ee Global ACE ee Soomaaliya waa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo maamul-wanaagga amniga saaybarka iyo awoodda xirfadeed ee dalka. Iskaashigan waxa uu taageerayaa horumarinta shaqaale xirfad leh oo la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah, kana qayb qaadanaya amniga, kalsoonida, iyo koboca dhaqaalaha dhijitaalka ah ee dalkeenna.”

Global ACE waa nidaam shahaado-bixin caalami ah oo aan ku xirnayn shirkad gaar ah, laguna horumariyey iskaashi ay yeesheen dawladaha, qaybaha isgaarsiinta & teknoolojiyadda, iyo hay’adaha tacliinta, isla markaana la jaanqaadaya halbeegyada caalamiga ah. Iyada oo loo marayo Jaamacadda SIMAD oo ah xarunta martigelinaysa, Cutubka Qaranka ee Soomaaliya waxa uu taageeri doonaa barnaamijyada shahaado-bixinta, tababarrada, iyo barnaamijyada kobcinta awoodda ee loogu talagalay ardayda, xirfadlayaasha, iyo khubarada ka shaqeeya amniga saaybarka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxaa laga fahmi karaa Sheegashada Al-Shabaab ee Xasuuqii Muqdisho.?

Maalmo ay maleeshiyada Alshabaab la aamusnaayeen sheegashada Qaraxii ay ku xasuuqeen ku dhawaad 100 qof oo rayid ah waxay qirteen…

MaqaalladaWararka
December 31, 2019

Maraykanka oo Soomaaliya ugu hambalyeeyay heerka ay ka gaartay arrimaha deyn cafinta

Muqdisho-(SONNA)-Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya , Donald Yamamoto ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay heerka ay ka gaadhay dedaallada ay ugu…

Wararka
March 27, 2020

Wasiirka amniga gudaha XFS oo shir guddoomiyay wajiga labaad marshuurca horumarinta Boliiska Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Waiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee JFS S/Guuto C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa guddoomiyay shirka wajiga labaad ee mashruuca JPP ee…

GudahaWararka
April 24, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraatka kaga qayb galay shir looga hadlayey Amniga Soomaaliya

Abu Dhabi(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shirka ku saabsanaa…

GudahaWararka
February 1, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023