Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Sawiro:Guddoomiyaha guddida doorashooyinka oo marti ku ah Barnaamujka dood furan
    December 12, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    December 12, 2025
    Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan
    December 12, 2025
    Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida
    December 12, 2025
    Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka
    December 12, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: December 12, 2025
9 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib dalka ugu soo laabtey kadib markii uu dalka Qatar uga soo qeybgaley Madasha Dooxa.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa taageerada caalamiga ah, kaas oo qeyb ka ahaa Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kaddib markii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen xubnaha guddigan.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Dooxa Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

5- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee duulista rayidka oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.

6- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee hayโ€™adda Caalamiga ah ee Samafalka {International Rescue Committee (IRC), David Miliband, oo booqasho shaqo ku yimid dalka.

7- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Saalax Xasan Keshtaax.

8- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Qarannimada dalka aan walaalaha nahay ee Qatar oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, taas oo laga soo hormariyey waqtigeeda.

9- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu.

10- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay bulshada Soomaaliyeed iyo bahda duulista dalka xuska Maalinta Caalamiga ah ee Duulista Rayidka, isaga oo xusay horumarka muuqda ee ay Soomaaliya ka sameysay maamulka hawada, amniga duulimaadyada, iyo isku xirka caalamiga ah.

11- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka u qaabilsan Mudane Makhail Golovanov.

12- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

13- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Nabadda iyo Iscafinta Adduunka Axmed Bin Maxamed Al-Jarwaan.

14- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Axmed Jumca Al-Rumayti.

15- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bulshada Soomaaliyeed uga hambalyeeyay xuska Maalinta Xuquuqda aadanaha.

16- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa qaabilay hoggaanka bulshada rayidka ah.

17- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, oo sanad walba dunida laga xuso 10-ka December.

18- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Is-cafinta iyo Nabadda oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.

19- Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda oo Kormeer ku tagey Degmooyinka Gobalka Banaadir, halkaas oo ay ka socoto qaadashada kaarka cod bixinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka.

20- Wasiirrada Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, saraakiil isugu jirta Xoogga Dalka, Hawlgalka AUSSOM iyo masโ€™uuliyiin ka socota Safaaradda Turkiga oo ka qeyb galay xarig jarka Buundada muhiimka ah ee Sabiib iyo Caanoole oo dib loo dhisay kadib markii ay burburiyeen cadowga Khawaarijta ee Al Shabab.

21- Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay Danjiraha cusub ee Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Salaax Keshtah.

22- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Doha kaga qayb-galay kalfadhigii koowaad ee Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

23- Wasiirka Amniga Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kala wareegay Heyโ€™adda UNDP gaadiid loogu talagalay heyโ€™adaha amniga dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

24- Wasiirka Warfaafinta oo tacsi u diray qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Xuseen Axmed Qoryooley oo hore u soo noqday Agaasimihii Radio Muqdisho.

25- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu abaalmarinayey qeybaha kala duwan ee saxaafadda Libya oo ka dhacdey magaalada Tripoli.

26- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Prof. Saalim Caliyow Ibrow, ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, halkaas oo uu warbixn kaga dhegeystay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Jabril Ibrahim Cabdulle.

27- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax ayaa daah furay Shirka Madasha Madaxda Shirkadaha Soomaaliyeed iyo Maalgashadayaasha Caalamiga ah.

28- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa magaalada Algiers kula kulmay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Algeria, Ali Zerrouki, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhijitaalka, hal-abuurka tiknolojiyadda iyo kaabayaasha ICT-ga.

29- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa la kulmey dhigiisa Azerbaijan, Mudane Farid Gayibov, iyagoo ka wadahadley xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada.

30- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr.Cali Xaaji ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Amb. Abdullahi Al-Otaibi.

31- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Bashir Mohamed Jama, ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Heer Wasiireed ee Cimilada & Hawada Nadiifta, oo ka dhacay magaalada Nairobi.

32- Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Marwo Maryama Maxamed Xuseen ayaa Muqdisho ka daahfurtay tababar ku saabsan ka hortagga, sahminta, daraaseynta iyo xakamaynta cudurrada faafa.

33- Wasiir Ku-Xigeenka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Cali Ifiye Cali, ayaa si rasmi ah u daahfuray Mashruuca Maareynta Kaluumeysiga (Fisheries Management and Value Chain Integration Project).

34- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ciraaq, Danjire Ridwaan Hirsi Maxamed, ayaa ka qayb galay kalfadhiga 28-aad ee Golaha Wasiirada ee Dalxiiska ee Carabta, oo ay martigelisay caasimadda Baqdaad, isagoo oo wakiil ka ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

35- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa xarigga ka jaray dhismaha Dugsiga Qurโ€™aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Booliska oo lagu kordhiyay xarunta lagu barbaariyo carruurta Booliska.

36- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya S/Gaas Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa daahfuray Hogaanka Baarista Dambiyada Ciidanka Asluubta.

37- Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 15-aad ee Golaha Guud ee Ururka Hantidhowrrada Carabta oo lagu qabtay magaalada Jeddah.

38- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa si rasmi ah ula wareegay deeq lacageed oo oo dhan hal million oo dollar oo ay Dowladda Shiinaha ugu talagashay in lagu xoojiyo gurmadka abaaraha ka jira dalka.

39- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley IV.

40- Hayโ€™adda NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa fulisey hawlgal ka dhacay tuulada Biyo Madoobe ee Hiiraan, Waxaana lagu dilay 7 ka tirsan Khawaarijta, islamarkaana burburiyay gaari xamuul ahaa oo siday rasaas badan.

41- Hayโ€™adda NISA ayaa hawlgal qorsheysan ku dilay ilaa 12 dhagar-qabe, oo uu ku jiro Horjooge Ciidanka Sirdoonku ku raad-joogay, kuwaas oo si dhuumaaleysi ah falal argagixiso uga abaabulayay dhulka hawdka ah ee deegaanka Jambaluul ee degmada Afgooye.

42- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay laba dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab, kadib hawlgal ay ka fuliyeen degaanka Towfiiq oo u dhow Tooratoorow, Gobolka Shabeellada Hoose.

==========DHAMMAAD============

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Sawiro:Guddoomiyaha guddida doorashooyinka oo marti ku ah Barnaamujka dood furan

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa ka…

December 12, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xuska 76 guurada ciidanka booliska oo ka socota magaalada Muqdisho

Muqdisho (SONNA) Qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu dabaal degayo sanad guurada 76aad ee aas aaska ciidank Booliska Soomaaliyeedย  ayaa…

Wararka
December 21, 2019

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS oo gaaray magaalada Manama ee dalka Bahrain

Muqdisho,(SONNA):-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Manama ee Dalka Bahrain,halkaas oo uu kaga…

GudahaWararka
May 16, 2024

Ciidanka Kenya oo dilay 12 ka tirsanaa Al-Shabaab

Nairobi-(SONNA)-Ciidanka Millatariga Kenya ayaa sheegay in ay Shalay dileen 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab midna ay qabteen, markii ay…

Wararka
March 20, 2020

Ciidanka Xooga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 20 khawaarij ah

Ruunirgood, (SONNA): Ciidanka Xooga Dalka ayaa Saaka aroortii howlgal ka fuliyay inta u dhaxeysa degmooyinka Ruunirgood iyo Mesagawaa oo ka…

GudahaWararka
July 19, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023