Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq oo Baqdaad uga qayb galay shir muhiim ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq oo Baqdaad uga qayb galay shir muhiim ah
GudahaWararka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq oo Baqdaad uga qayb galay shir muhiim ah

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: December 10, 2025
2 Min Read
Share

Baqdaad (SONNA): Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq danjire Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa ka qayb galay kalfadhiga 28-aad ee golaha Wasiirada ee dalxiiska ee Carabta oo ay martigelisay casimadda Baqdaad, isagoo matalaya Soomaaliya islamarkaana wakiil ka ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

Safiirka oo Khudbad ka jeediyay Furitaanka Shirka ayaa warbixintiisa ku xaqiijiyay in Soomaaliya ay soo kabatay burbur iyo xasillooni darro sababtay in ay meesha ka baxaan adeegyadii bulshada.

“Waxaan kasoo gudubnay caqabadihii hore ee dalka ka jiray, Soomaaliya waxa ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, oo dhererkeedu yahay qiyaastii 3,333 kiiloomitir, oo leh Xeeb cajiib ah oo ku teedsan Muqdisho, Kismaayo, Boosaaso, Berbera, iyo meelo kale oo dhaca Badda Cas, Gacanka Cadan, iyo Badweynta Hindiya” ayuu yiri Danjire Ridwaan Xirsi.

Safiirka ayaa sidoo kale iftiimiyay Qeyraadka badan ee Webiyada, Kaymaha, Beeraha ballaaran, iyo Cimillada dhexdhaxaadka ah marka lagu daro Buuraha iyo dhulalka dhaadheer ee kulmiso Duurjoogta kala duwan.

Danjire Ridwaan ayaa sidoo kale Khudbaddiisa, wuxuu ku iftiimiyay astaamaha qadiimiga ah iyo kuwa taariikhiga oo muujinaayo xiriirka dhaqanka iyo ganacsiga ee qadiimiga ah, gaar ahaan booqashada Boqoradda Hatshepsut ee Soomaaliya xilliyadii taariikhiga ahaa.

Ugu dambeyntii Safiirka ayaa u mahad celiyey dawladda iyo dadka Ciraaq soo dhawaynta wanaagsan, isagoo bogaadiyay dadaallada Ururka Dalalka Carabta, Ururka Dalxiiska Carabta, iyo qabanqaabiyeyaasha shirka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Xoogga oo jab xooggan gaarsiiyey khawaarij isku dayay in ay weeraran deegaanka Caad

Caad(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka cashar lama iloobaan ah Khawaarijta ugu dhigay magaalada Caad oo ay…

GudahaWararka
January 24, 2024

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo qaabbilay Danjiraha Qadar oo booqasho sharafeed ugu tagay+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)- Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Qadar…

GudahaWararka
December 14, 2021

Munaasabadda xuska 26-ka June oo Muqdisho ka socota

Muqdisho (SONNA): Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya caawa ka soconaya Munaasbadda Xuska 26ka Juun oo ku beegan 65-sano guuradi…

GudahaWararka
June 25, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo afur u sameeyay Ra’iisul waasaraha dalka iyo xubnaha labada Aqal ee BFS

Muqdisho-(SONNA)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Aqalka Dowladda hoose ee Xamar Munaasabad Afur mahadnaqah ugu sameeyay xubnaha Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka…

GudahaWararka
April 2, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023