Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
Maqaallada

Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)

By Cumar
Last updated: December 7, 2025
4 Min Read
Share

AUN Xaaji Cali Maxamed Hiraabe, oo si weyn loogu yaqaan “Cali Hagarey”, wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu saamaynta badnaa taariikhda siyaasadda, halganka iyo dowladnimada Soomaaliyeed,Wuxuu ku geeriyooday dalka Canada isagoo 107 sano jir ah, halkaas oo lagu aasay, Xaaji Cali wuxuu ka mid ahaa xubnihii ugu dambeeyay ee ka noolaa Baarlamaankii ugu horreeyey iyo Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya xilligii gobannimada lagu dhawaaqay 1960-kii.

Dhalashada iyo Waxbarashada Hore

Waxa uu ku dhashay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxbarashadiisii Qur’aanka Kariimka ayuu ka bilaabay isla degmadaas.

Macallinkiisii Qur’aanka wuxuu ahaa Sheekh Axmed Gabyoow “Wacdiyow”.

Sida uu ku helay naanaysta “Cali Hagarey”

Macallinkiisii oo muddo maqnaa markii uu soo laabtay ayaa arkay arday aad u hufan oo Qur’aanka xifdisay balse aan qorin aqoonin,Cali ayaa u qori jiray casharrada oo uu u dedejin jiray fahamkooda, taas oo keentay in macallinku yiraahdo: “Cali hagarey carruurta.” Waxaa sidaas ku dhalatay naanaystiisii caan noqotay.

Bilowgii Nolosha iyo Hal-abuurkiisa Siyaasaddeed

Wuxuu u soo wareegay magaalada Muqdisho si uu u sii barto cilmiga diinta iyo aqoonta guud.

Sannadkii 1943 ayuu ku biiray ururkii SYL, isagoo kaalin firfircoon ka qaatay hormuudnimadiisa.

Wuxuu isla waqtigaas bilaabay inuu barto luqadda Talyaaniga iyo culuumta siyaasadda.

Shaqadiisa Baarlamaanka iyo Wasiirnimada

1950: Wuxuu shaqo ka bilaabay Baarlamaankii dalka, oo markaas ka koobnaa 60 xubnood (50 Soomaali + 10 ajaanib ah).

1960: Wuxuu ka mid noqday 90-kii xildhibaan ee Baarlamaanka Soomaaliya ee Koonfureed ka hor midowgii 1-da Luulyo.

Midowgii kadib wuxuu ka mid noqday 123-kii xildhibaan ee labada gobol.

Wasiirkii Warfaafinta iyo Dalxiiska (1960–1964)

Xaaji Cali wuxuu noqday Wasiirkii Warfaafinta iyo Dalxiiska ee dowladdii Soomaaliyeed ee cusub, isagoo fuliyay hawlo wax-ku-ool ah oo saameyn qaran yeeshay.

Waxqabadadii ugu waaweynaa waxaa ka mid ahaa:

Dirista 205 arday oo waxbarasho dibadeed loo qaaday:

52 – Somali Airlines

15 – Bulgaariya (kadibna Talyaaniga)

8 – Warfaafinta

13 – Dalxiiska iyo adeegyada la xiriira

Wuxuu ahaa mas’uulkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u saxiixa heshiis iskaashi oo lala galo Jamhuuriyadda Shiinaha.

Wuxuu dalka keenay 3 wargeys oo lagu kala daabici jiray Talyaani, Ingiriisi iyo Carabi.

Shaqadiisa waxay ku dhisnayd cadaalad, karti iyo sinaan, isagoo si joogto ah u ilaalin jiray madax-bannaanidiisa shaqo.

Dhaqankiisa shaqo awgeed, wuxuu helay kalsoonida hoggaamiyeyaashii dalka sida:

AUN Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan

AUN Ra’iisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke

Jagooyinka Kale ee Qaranka

1966: Waxaa loo doortay Xoghayaha Guud ee SYL.

Sidoo kale wuxuu soo noqday Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada.

Noloshiisii Dibadda iyo Ka Qayb-qaadashadii Jabhadaha

Kadib kacaankii 1969, wuxuu muddo yar kadib dalka ka baxay.

1978: Wuxuu ka mid ahaa aas-aasayaashii SSF, oo markii dambe isu beddelay jabhaddii SSDF.

1989: Wuxuu ka mid ahaa aas-aasayaashii USC.

1990: Wuxuu ka mid noqday odoyaashii Manifesot-ga ee soo saaray bayaankii siyaasaddeed ee ugu miisaanka badnaa xilligii kala-guurka.

Qoyska iyo Dhaxalka Nololeed

Xaaji Cali wuxuu ka tagay carruur iyo awoowayaal badan oo ku faana magaca, dadaalka iyo hannaankiisii wanaagsan ee uu bulshada u adeegsaday. Wuxuu bulshada u reebay dhaxal taabanaya:

Halgan qaranimo

Horumar dowladnimo

Dhiirrigelinta kumannaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo uu u furay waddooyinka aqoonta

Daacadnimo, dulqaad iyo wadaniyad lagu xusuusan doono

Gunaanad

AUN Xaaji Cali Maxamed Hiraabe “Cali Hagarey” wuxuu ahaa tiir taariikheed oo ka mid ah dhismihii dowladnimada Soomaaliya. Waa halyey ku suntan adeeg qaran, hoggaan furan iyo waaya-aragnimo qoto dheer. Dhaxalkiisa siyaasadeed iyo midkiisa bulsho waxay sii ahaan doonaan xusuus sharaf leh oo ka mid noqota taariikhda qaran.

Ilaahay ha u naxariisto, Jannatul Fardowsa ha ka waraabiyo.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh” Waxaan mar dhow u dabaal-degi doonaa Dalkeenna oo Khawaarij la’aan ah”

Muqdisho.(SONNA):- Kooxda Khawaarijta Al-shabaab fikirkooda gurracan ee lagu soo dhex qariyay ka been sheegidda Diinta Islaamka waa mid ku dhisan…

Maqaallada
July 9, 2023

Isbadelkii ku yimid habkii go’aan qaadashada Madaxweynihii Mareykanka John F.Kennedy: Qaybti 1-aad

Qoraalkaan waxaan ku eegeyaa habka go’aan qaadashada marka ay jiraan marxalado adag , waxaana tusaale u soo qaadaneyaa labo dhacdo…

Maqaallada
May 15, 2020

Xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May (warbixin)

Dal kasta waxa uu ku faano ama saacida horumarkiisa  waa  dhallinyarada oo aan looga maarmin difaaca ama ilaalinta dadka iyo…

GudahaMaqaallada
May 15, 2021

Sirta uu bixiyey Ajanabigii Al-shabaab ka baxay Zubair Al-Muhajir

Muqdisho.(SONNA)... Waxa uu ka mid ahaa  ajnabiga argagixisada Al-Shabaab oo uu muddo ka tirsanaa, fariin cod ah oo uu soo…

MaqaalladaWararka
January 21, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023