Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By SB
Last updated: December 5, 2025
9 Min Read
Share

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliya, isagoo soo bandhigay qorsheyaasha ay dowladdu ku awood siineyso dhalliyarada Soomaaliyeed,

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf u sameeyay Culimada Soomaaliyeed ee ka qayb-gashay Shirweynaha 3aad, isagoo ku amaanay doorka wanaagsan ee ay ka qaataan arrimaha Diinta iyo wacyigelinta bulshada.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ka guddoomay Safiiradda dalalka Masar,I ndonesia, Sweden, Cuba, Finland, Norway, Canada iyo Spain.

4- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday dekadda Tanger Med, oo ah marsada ugu weyn Qaaradda Afrika iyo Badda Mediteraaniyaanka ee ku taalla Morocco, kana mid ah dekedaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamka.

5- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.

6- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Danjiraha Boqortooyada Britain u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha, ahna Ku-Xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee UK ee Geneva, Marwo Eleanor Sanders.

7- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyey xiritaanka Madasha Caalamiga ah ee MEDays ee Boqortooyada Marooko, isagoo sheegay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta iyo iskaashiga dalalka dhaca Daanta Koonfureed ee Dunida (Global South).

8- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed bin Maxamed Al-Muwalled.

9- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku saabsan iskaashiga batroolka, gaaska iyo macdanta, hindise-sharciyeedyo dhismaha Hayโ€™adda Qaran ee Maareynta Deegaanka iyo Sharciga Ciqaabta Soomaaliya iyo Axdiga Caalamiga ah ee Baadi-goobka iyo Samatabixinta Badda (SAR 1979) iyo kuwo kale.

10- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa ka qeybgaley kulanka sannadlaha ee Madasha Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika oo lagu qabtey magaalada Nairobi.

11- Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhisidda Hayโ€™adda Maalgashiga Soomaaliyeed, sidoo kalena meel mariyay Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dib-u-eegista Sharciga La-Dagaalanka Burcad Badeedka iyo ka-hortagga Afduubka.

12- Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya,oo ansixiyay heshiiska aas aasiga ah Ciidamada Heeganka Bariga Afrika (East Africa Standby Force โ€“ EASF).

13- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka Madasha Maalgashiga iyo Bandhigga Qurbe-joogta Soomaaliyeed.

14- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil sare oo kale, ayaa ka qeyb galay daah-furka Bandhigga Afraad ee Difaaca Masar (EDEX 2025).

15- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Yemen, Jeneraal Mohsen Maxamed Axmed Al-Daacari, ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Qaahira ee dalka Masar,

16- Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dhagax-dhigay Dugsiga Mujamac Umul Quraa ee magaalada Muqdisho.

17- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali, ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalay shir heer wasiir ah oo dalalka IGAD uga arrinsanayeen Hirgelinta Baaqa Nairobi ee Arrimaha Qaxootiga.

18- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadd, Mudane Maxamed Adam Macalin, ayaa qaabilay Guddiga Korjoogteynta Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Federaalka, kuwaas oo kormeer shaqo ku yimid si ay uga xog-ogaadaan howlaha ka kasocda Wasaaradda.

19- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi iiman Cige ayaa ka qeyb-galay shir heer caalami ah oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Nairobi.

20- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Wasiirkii ugu Horeeyey ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.Mudane Cali Maxamed Hiraabe (Cali Hagareey) oo ku geeriyooday dalka Canada.

21- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Francesca Di Mauro.

22- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha, iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Abdulqaadir, ayaa soo dhaweeyey arday u dhalatay dalka Suudaan, kuwaas oo deeq waxbarasho ka helay Soomaaliya.

23- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada London uga qeyb galay xuska 15 sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska hey’adda Yasmiin Foundation.

24- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Mudane Proff Salim Caliyow Ibrow ayaa qaabiley Daladda Ururrada Bulshada Rayidka ee SONSA.

25- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene).
ayaa shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo lagu dardargelinayo gurmadka abaaraha ka jira qeybo badan oo dalka ah.

26- Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ahmed Hassan Aden, ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Xog-Uruurinta Kalluumeysiga iyo Fisheries Information Management System (FIMS).

27- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa magacaabay xubnaha Guddiga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, si waafaqsan qodobbada dastuuriga ah iyo Sharciga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka.

28- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare oo ka socda Boqortooyada Ingiriiska oo ay hogaamineysay H.E Eleanor Sanders.

29- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb galay Madasha Wasiirrada Beeraha Adduunka ee sanadkan, kaasi oo hal ku dhiggiisu ahaa โ€œKa hortagga luminta cuntada iyo biyaha iyo ilaalinta mustaqbalkeennaโ€.

30- Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa Muqdisho ka furay Wadatashi ku saabsan sidii loo maalgelin lahaa ganacsatada ka shaqeysa wax soo saarka Caanaha.

31- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeelatay Madaxa Barnaamijyada ee Hayโ€™adda UN-Women Marwo Rukia Mohamed.

32- Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Aljeeriya, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.

33- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Ahmed Dirie, ayaa magaalada Doha kulan kula yeeshay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Dowladda Qatar, Mohammed bin Ali Al Mannai.

34- Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cali Maxamed Cumar ayaa kulan la qaatay arday deeq waxbarasho ka helay dalka Algeria.

35- Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa ka qeyb galey Shirweynaha Caalamiga ah ee Dambiyada Gumeystaha ee wadamada Afrika.

36- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Mudane Maxamed Cusmaan Naastaro ayaa ka qeyb galay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Naafada.

37- Xubnaha Guddiga Warfaafinta, Wacyi-gellinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Kormeer ku tegay Wasaaradd Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

38- Taliyaha Ciidanka Booliiska Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa xarunta Daraawiishta Booliiska ku qaabilay Kestutis Lancinskas, Madaxa Xafiiska EUCAP Soomaaliya, oo u matala Midowga Yurub taageerada ay u fidiyaan Ciidamada Daraawiishta Booliiska.

39- Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustaf Dhuxuloow ayaa si rasmi ah u furay tababar sare oo ku saabsan Baarista Dukumentiyada.

40- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, ayaa shir guddoomiyay kulanka Agaasimeyaasha Guud ee wasaaradaha iyo hayโ€™adaha dowladda, kaas oo looga hadley Isku xirka adeegyada dowladda, dib-u-habaynta shaqaalaha rayidka iyo ka hortagga abaaraha.

41- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta SoDMA ku qaabilay wafdi sare oo ka socday hayโ€™adda Plan International, kaas oo ay hoggaaminaysay Agaasimaha Gobolka Bariga Dhexe, Bariga Afrika iyo Koonfurta Afrika. Marwo Angela Muriithi.

==========DHAMMAAD============

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay maanta dalka Masar

Muqdisho(SONNA):-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm…

Wararka
May 22, 2023

QM oo munaasabadda 1-da Luuliyo awgeed u hambalyaysay Shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA)--Xuska sanad guurada 63-aad ee madax-banaanida Soomaaliya awgeed, ayaa Qaramada Midoobay waxay u hambalyaysay dadka Soomaaliyeed, waxayna ku ammaantay sida…

GudahaWararka
July 1, 2023

Guddoomiye Aadan Madoobe oo booqday hay’adda maaraynta musiibooyinka

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kormeeray xarunta Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA…

GudahaWararka
August 22, 2023

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis ku saabsan howlaha Xajka ee sanakan 2023

Riyadh-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Muqtaar Rooboow Cali ayaa magaalada Jiddeh ee dalka Sacuudiga kula…

GudahaWararka
January 10, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023