Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada oo si dardar leh uga socota Balcad
    December 3, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamsa oo furay shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed
    December 3, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirada dalalka Masar, Indonesia, Sweden, Finland, Norway iyo dalal kale
    December 3, 2025
    Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya
    December 3, 2025
    Wasiirka qoyska XFS oo kulan la qaadatay madaxa barnaamijyada ee hay’adda UN-Women
    December 3, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisul wasaare Xamsa oo furay shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul wasaare Xamsa oo furay shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed
GudahaWararka

Ra’iisul wasaare Xamsa oo furay shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: December 3, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo Daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed, ayaa adkeeyey muhiimadda ay Qaranka u leedahay dhiirigelinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo hal-abuurkooda.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay la yimaadaan isku-duubni iyo midnimo, kana fogaadaan qabyaaladda, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay haatan gacanta ku hayso shuruuc lagu hagaajinayo nidaamka shaqada lagu helo, hadda wixii ka dambeeyana shaqada dowladda lagu bixin doono hab daah-furan, tartan loo simanyahay, iyada oo qofka shaqada dowladda galaya loo eegayo aqoontiisa.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay muhiimadda hoggaanka wanaagsan iyo hal-abuurku u leeyahay horumarka iyo dowlad-dhiska dalka, ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in maskaxda la tuujiyo oo wax wanaagsan laga dhaliyo, lana aamino dalka, si ummaddu u gaarto horumar waara.

“Si aad horumar u gaarto, waa in aadan ku kaaftoomin meesha aad joogto, oo aad isbeddel iyo hal-abuur la timaaddaa, haddii aad rabto in aad wax hoggaamiso waa in aad noqotaa tusaale wanaagsan, si aad wax u hoggaamiso, dalkaagana horumar u gaarsiiso.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Wuxuu intaas ku daray Ra’iisul Wasaaruhu in ummad kasta oo guul xaqiijisay ay ku gaartay dad kooban oo la yimid fikir cusub oo horumar lagu gaari karo, isla markaana saldhigga guusha uu yahay tacliinta oo la xoojiyo, baaritaanno joogto ah iyo in la diido qofku in uu is-dhiibo.

Mudane Xamsa ayaa ugu dambeyntii ku booriyay in aysan ka cabsan mustaqbalka, isla markaana hoggaanka dalka gacantooda ku soo saaraan oo ay doorashada si weyn ugu qeyb qaataan.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Diiwaangelinta codbixiyaasha doorashada oo si dardar leh uga socota Balcad

Muqdisho (SONNA): Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo cod ah ayaa si habsami leh uga socota Degmada…

December 3, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo daahfuray aqoon isweydaarsi ku saabsan hannaanka sharci sameynta

MUQDISHO-(SONNA)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta furay aqoon iswaydaarsi ku saabsanaa hannaanka…

GudahaWararka
July 22, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale qaabbilay mas’uuliyiin hore

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay…

GudahaWararka
July 3, 2025

Wasaaradda arrimaha gudaha oo war kasoo saartay siyaasadda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Dadweynaha

                         JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERAALKA IYO…

Wararka
November 15, 2019

Hoggaamiyaal ka tirsan Daacish oo lagu dilay dalka Filibiin

Ciidamada Dalka Filibiin ayaa dilay hoggaamiyaal ka tirsan kooxda Daacish ee ka howlgala dalkaasi,kadib kolii ciidamadaasi ay weerar ku qaadeen…

Caalamka
June 15, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023