Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska
GudahaWararka

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

By Abdulkadir
Last updated: December 2, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare oo ka socda Boqortooyada Ingiriiska oo ay hogaamineysay H.E Eleanor Sanders oo safarkeedii ugu horeysay abid ku timid magaalada, kadib markii ay Wasiirka Wasaaradda Qoyska u fidisay casuumaad rasmi ah.

Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Maxamed Bashiir Cumar iyo Khuburada Wasaaradda waxaa ay xarunta Wasaaradda Qoyska kulan ballaaran kula qaateen Wafdigan ka socday dowladda Ingiriiska, ayadoo ugu horeyn Wasiirku ay wafdiga warbixin ka siisay halka ay mareyso xaaladda Xuquuqul Insaanka Dalka iyo dadaalladii ugu dambeeyey ee ay Wasaaradda Qoyska ku guuleysatay, kadib guushii shirkii Geneva, guulahaas oo ay ka mid tahay dhismaha iyo meel marinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa si weyn ugu mahad celisay Boqortooyada Ingiriiska dadaalkii ay ku bixisay iney Soomaaliya dib u lasoo wareegto madax bannaanideeda Xuquuqul Insaanka, si la mid ah dowladaha caalamka ayadoo dadaalladaasi ay hormuud u aheyd Safiirka Xuquuqul Insaanka Dowladda Ingiriiska H.E Eleanor Sanders.

Intii uu socday kulank ayey dhankooda H.E Eleanor Sanders iyo Safiir ku xigeenka Safaaradda ingiriiska ee Muqdisho Sam Thomas waxa ay si wadajir ah u bogaadiyeen dadaallada xooggan ay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ku bixisay Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya waxaana ay ballan qaaday Danjire Eleanor Sanders iney wada shaqeyntooda iyo garab istaagooda ay sii laba jibaari doonaan maadaama ay Wasaaradda dhankeeda shaqooyinkii laga rabay qabatay.

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waday dadaal xooggan oo ku aaddan horumarinta Xuquuqul Insaanka, taasi oo keentay in sanadkan 2025 ay si weyn u kordheen guulaha ay Wasaaraddu ka gaartay horumarinta Xuquuqul Insaanka Dalka oo ay ugu weynaayeen iney Soomaaliya dib ula soo laabato madax bannaanideeda Xuquuqul Insaanka 32 sano kadib iyo dhismaha guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Jaamac “Cadowgeena gudaha ah iyo kan dibadda intaba waa inaan u diyaar garownaa.”

Muqdisho, (SONNA): Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa tagay Xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo…

GudahaWararka
August 29, 2024

Madaxweyne Farmaajo oo Salaadda Janaasada ku tukaday AUN Marxuun Maxamed Cumar Saalixi “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Masjidka Isbahaysiga Islaamka ku tukaday salaadda janaasada ee Marxuum…

GudahaWararka
September 3, 2021

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta kormeer…

GudahaWararka
May 7, 2026

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta XFSoo kulan la yeeshay ururka dalxiiska Soomaaliya

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta kulan la yeeshay…

GudahaWararka
January 20, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023