Muqdisho(SONNA:-Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada London uga qeybgalay shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka (IMO) oo goordhaw furmay.
Shirkaan waxaa qeyb ka ah oo wasiirka wehliya Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Ingiriiska Cabdulqaadir Cabdi Xaashi iyo masuuliyiin kale.
