Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho
    November 24, 2025
    Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah
    November 24, 2025
    Madaxweynaha JFS oo magacaabay Ergayga gaarka ah ee la dagaalanka Fikradda Xagjirka
    November 23, 2025
    Wasiirka Caafimaad XFS oo gaaray Dalka Turkiga
    November 23, 2025
    Wasiir Xoosh oo horkacay Dhireynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS
    November 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadahaย (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
Reading: Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho
GudahaWararka

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

By Abdulkadir
Last updated: November 24, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya wafuud ka badan 300 oo ah culimada Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafaha caalamka, madax ka socota dowladda iyo marti-sharaf kale.

Inta uu socdo shirka waxaa lagu falanqeyn doonaa qodobo ay ka mid yihiin midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo sida bulshada loogu baraarujin karo muhiimadda iyo faaโ€™iidada ay leedahay midnimadu.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Ibraahim Aadan Nadaara, oo faahfaahin ka bixiyay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid sanadkiiba mar ay isugu yimaadaan culimada Soomaaliyeed, loogana hadlayo arrimaha ku saabsan midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah culimada soomaaliyeed oo ka qeybgalaysa shirka ayaa la hadlay warbaahinta Qaranka.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim Shakuul: โ€œMarna ma bannaana in dad walaalo ahi ay si macno-darro ah isku dilaan.โ€

Sheekh Mustafa iyo Sheekh Maxamed Dulmidiid: โ€œCulimada ha yimaadaan baraha bulshada oo ha ka wacyigeliyaan dadka fitnada qabaaโ€™ilka.โ€

Sheekh Usuuli: โ€œShirweynahan sanadkan wuxuu ku soo aaday xilligii ugu habboonaa, si aysan u kala dhantaalmin midnimada bulshada.โ€

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar Sheekh Axmed Diinle: โ€œCulimada Soomaaliyeed aad bay uga xun yihiin in maanta dadkeenna ay isku laayaan qabyaalad iyo qabaaโ€™il.โ€

Shirkan wuxuu imaanayaa xilli maalmihii dambe culimada Soomaaliyeed ay Muqdisho iyo gobollada dalka ka wadeen wacyigelin la xiriirta colaadaha u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee ku wada nool qeybo ka mid ah dalka. Waxaana uu qeyb ka yahay dadaallada wacyigelineed ee culimadu ay wadaan.

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (SONNA): Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, oo ay…

November 24, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kulan looga arrinsanayo xoojinta amniga gobalka Mudug oo lagu qabtay Gaalkacyo โ€œSawirroโ€

Gaalkacyo-(SONNA)-Shir looga arrinsanayo xoojinta Amniga koofurta Gobalka Mudug ayaa maanta lagu qabtay Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Kulanka ayaa waxaa…

GudahaWararka
December 9, 2021

Shir ku saabsan horumarinta Maaliyadda Soomaaliya oo ka furmay Yugandha

Kampala(SONNA)โ€ฆshirk looha hadlaayo horumarinta Maaliyadda Dalka ,isla markaana ay ka qeybgaleen Wasaaradda ย Maaliyadda Dowladda FS iyo kan dowlad goboleedyada ayaa…

Wararka
November 23, 2019

Ciidanka xoogga Dalka oo ka warbixiyay howl-gallo ka dhacay Shabeellada dhexe

Jowhar-(SONNA)-Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka fuliyay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellada dhexe. Taliyaha qeybta…

Wararka
July 12, 2020

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray Taliska Ciidanka Badda & Dekadda Muqdisho ‘Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo ay Wehliyeen Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalada…

GudahaWararka
May 19, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023