Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka guddoomay haddiyad gaar ah oo uga timid Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Madxafka Nabadda Gobolka ee Carta.
Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay munaasabadda lagu daahfurayay 25-guuradii ka soo wareegtay Shirweynihii Nabadda Soomaalida ee Carta iyo marxaladaha uu soo maray Madxafka Nabadda.
Dhankiisa, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka mahadceliyay haddiyadda uga timid Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Madxafka Nabadda Soomaaliya ee Carta, isagoo walaalaha Jabuuti ku bogaadiyay doorkooda wax ku oolka ah ee dhisidda Madxafkan Taariikhiga ah.