Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Gaarka ah ee CXD ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Buula Madiina ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dileen saddex xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.
Intii uu howlgalka socday, Ciidamadu waxay ku guuleysteen inay dib ugu soo celiyaan xorriyadooda 30 qof oo ay ku jiraan laba dumar ah, kuwaas oo argagixisadu ay ku haysteen afduub. Sidoo kale, waxaa la burburiyay xabsigii iyo maxkamad beenaadkii ay Khawaarijtu ku dhibaatayn jirtay dadka rayidka ah.
Howlgalkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku baacsanayaan kooxaha Khawaarijta ah, si loo xaqiijiyo amniga shacabka iyo xasilloonida guud ahaan dalka.
