Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran
    November 18, 2025
    Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay Doxa ku gaareen Kongada dimoqraadiga ah iyo jabhadda M23
    November 18, 2025
    11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka kala dhacay Mudug iyo Bakool
    November 18, 2025
    Shirweynaha 2-aad ee Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka oo ka furmay Muqdisho
    November 18, 2025
    Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ah kusoo xiray Muqdisho
    November 18, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Soomaaliya oo ku baaqday in tallaabo degdeg ah loo qaado joojinta gaajada la xiriirta colaadaha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Soomaaliya oo ku baaqday in tallaabo degdeg ah loo qaado joojinta gaajada la xiriirta colaadaha

Soomaaliya oo ku baaqday in tallaabo degdeg ah loo qaado joojinta gaajada la xiriirta colaadaha

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 18, 2025
3 Min Read
Share

New York-USA-(SONNA)-Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Mudane, Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xiriirka ka dhexeeya dagaalka iyo gaajada.

Danjire, Abuukar Baalle oo ka hadlayay shalay 17-kii November shir furan oo Golaha Ammaanka uu ka yeeshay cunno-yarida la xiriirta colaadaha ayaa intaa ku daray in colaaduhu ay gaajo ka dhaliyaan dalal badan, halka gaajaduna ay sidoo kale dalalka ka dhigto kuwo jilicsan oo u nugul fowdada.

Mudane, Abuukar Baalle ayaa xusay Qaraarka 2417 ee QM uu ka digayo in gaajada loo adeegsado hub ahaan, taas oo khatar ku ah nabadda.

Wuxuu tilmaamay in warbixinta caalamiga ah ee 2025 oo ku saabsan dhibaatooyinka cunnada ay muujisay in dadka la ildaran gaajada ba’an ay sii kordhayaan, arrintaasina ay u baahan tahay iskaashi caalami ah oo ballaaran.

Wuxuu iftiimiyay dadaallada iyo horumarka ka socda Afrika, wuxuuna tusaale u soo qaatay Bayaankii Kampala ee Midowga Afrika, kaas oo diiradda saarayay dhisidda nidaamka beeraha iyo xasillooni dhaqaale.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Mudane, Abuukar Daahir ayaa sheegay in dadaalladan ay ku saleysan yihiin mudnaanta Afrika, taas oo ay ujeeddadoodu tahay in bulshada la taageero, dhaqaalaha maxalliga ah la xoojiyo, lana hubiyo in dalalka ay awood ugu yeeshaan in ay ka hortagaan musiibooyinka mustaqbalka.

Wuxuu sheegay in bulshooyinka ay horumar sameeyaan marka ay awood u yeeshaan in ay maamulaan khayraadkooda, wuxuuna intaas ku daray in haweenku door dhexe ku leeyihiin wax soo-saarka cuntada iyo daryeelka qoyska, ayna tahay in codkooda lagu hago siyaasadaha.

Danjire Baalle ayaa yiri ,”Waa in Golaha Ammaanku xoojiyo nidaamyada digniinta hore ee Qaraarka 2417, lana xisaabtamo kuwa gaajada u adeegsada hub ahaan”.

Mudane Abuukar Baalle ayaa ku baaqay iskaashi adag oo isku daraya gargaarka bani’aadannimo, horumarinta iyo dhisidda nabadda.

Wuxuu dalalka caalamka ku boorriyay in ay bixiyaan maalgelin joogto ah oo wax-ku-ool ah, si loo fuliyo qorshayaasha qaran ee sugnaanta cuntada, isagoo sheegay in maalgelinta wax-soosaarka maxalliga ah, suuqyada cadaaladda ku dhisan iyo kaabayaasha miyiga ay keeni doonaan faa’iido waarta.

Danjiruhu wuxuu sheegay in aan waligood cuntada loo adeegsan karin sidii dhaawac loogu geysan lahaa dadka ama loogu kala fogeyn lahaa bulshooyinka, wuxuuna xusay in la dagaallanka gaajada ay tahay furaha nabadda iyo xasilloonida.

Ugu dambayn, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonto in ay la shaqeyso saaxiibbadeeda caalamka si loo dhiso nidaamyo siiya dadka cunto, fursad iyo rajo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Labaad ee…

November 18, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Rooble oo sagootiyay Safiirka Finland ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka sii baxaya ee…

GudahaWararka
June 24, 2021

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta guddoomiyay shirka mas'uuliyiinta degmooyinka, kaas oo…

GudahaWararka
September 2, 2025

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo garoonka Aadan Cadde ku sagootiyay guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo “SAWIRRO”

Muqdisho(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo uu wehliyo taliyaha saldhigga garoonka Aadan Cadde ayaa sagootiyay Cismaan Nuur Xaaji Mucalimu, oo ahaa…

GudahaWararka
July 25, 2021

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan casho sharaf ah u sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka EAC

Muqdisho, (SONNA): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee…

GudahaWararka
July 25, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023