Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga la socod Dastuurka ee Baarlamaanka oo maalintii 2-aad soo bandhigaya soojeedinta Wax-kabeddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka.
Kulanka labada guddi waxaa diirradda lagu saaray Cutubka 5-aad oo cinwaankiisu yahay Nidaamka Federaaka iyo Baahsannaanta Awoodaha Jamhuuriyadda iyo cutubka 6-aad ee Baarlamaanka.
Kulamadan oo maalmo socon doona, ka dib marka ay soo idlaadaanna, waxaa soo jeedimaha wax-kabeddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad iyo warbixinta la socota loo gudbin doonnaa Baarlamaanka Federalka si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan.
