Muqdisho (SONNA): Hantidhowraha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay masuuliyiin ka socday hay’adaha UNODC iyo UNDP. Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo taageeridda dadaallada la xiriira Maareynta Halista Musuqmaasuqa (Corruption Risk Management), si loo horumariyo daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Hantidhowraha Guud, Kuxigeenkiisa, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xafiiska, kuwaas oo muujiyay sida ay Hantidhowrka Guud ee JFS uga go’an tahay adkeynta iskaashiga hay’adaha Qaramada Midoobay ee la dagaallama musuqmaasuqa iyo dadaallada Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ee la xiriira baarista iyo la socodka khataraha iyo Maareynta halista Musuqa.
