Muqdisho (SONNA): Wasiirrada Cadaaladda, Gaashaandhigga, iyo Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan masuuliyiin kale ayaa maanta Muqdisho uga qayb galay shir lagu gorfeeynayey xoojinta hay’adaha amniga iyo cadaaladda Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda SJGAP, waxaana si wadajir ah looga dooday sidii iskaashiga hay’adaha amniga iyo kuwa garsoorka loo xoojin lahaa, loogana shaqeyn lahaa nabadd iyo cadaaladda waarta.
