Inta badan dalalka dunida ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska maalinta caalamiga ah ee caasimadaha ,si kor logu qaado danaha bulshooyinka caalamka,iyadoo la riixayo iskaashiga ka dhexeeya dalalka ,isla markaana wax laga qabanayo caqabadaha ka jira magaalooyinka.
Xuska maalintaan oo lagu saleeyay qaraar tirsigiisu tahay 68/239 oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxa uu ka dhigan yahay in magaalooyinka ay yihiin kuwo suurtaalin kara qaabab cusub oo is dhexgal bulsho ah,taas oo ay ku jiraan helitaanka adeegyada lagama maarmaanka ah,abuuritaank fursado cusub iyo ka-qaybgalka maalgashiga caasimadaha.
Ujeedada loo asteeyay maalinta caasimadaha ayaa ah in la muujiyo horumarka caasimadaha iyo in magaalooyinka iyo degmooyinka ay yihiin kuwo dadku ay u dhan yihiin, badbaado leh oo suurtagalin kara nolol waarta.
Qaramada Midoobay waxay sanadkii 2015-kii go’aamisay in labaatanka sano ee soo socda la dejiyo ajeendo ah sidii loola tacaali lahaa caqabadaha soo wajaha magaalooyinka,ka dib markii 193 dal oo caalamka ah ay isku raaceen tallaabadaasi.
Haddaba,caasimadda dalka Soomaaliya,waxa ay ka mid tahay kuwa lagu tiriyo in sanadihii u dambeeyay ay ku tallaabsatay horumar lixaad leh oo ka tarjumaya rabitaanka dadka ee ku yimid hiigsiga mustaqbal wanaagsan oo ifaya.
Si loo helo caasimad habboon oo ku wanaagsan dalxiiska waa in xil la iska saaraa soo celinta bilicda magaalada iyo in dib u dejin loo sameeyo dadka barakacayaashha ah ee soo buux dhaafiyay caasdimadda.
 
					 
			 
		 
		