Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Golaha Shacabka oo ka dooday Sharciga burcad Badeedda iyo sharciyo kale
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Golaha Shacabka oo ka dooday Sharciga burcad Badeedda iyo sharciyo kale
GudahaWararka

Golaha Shacabka oo ka dooday Sharciga burcad Badeedda iyo sharciyo kale

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 25, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Mudanayaasha Golaha Shacabka BFS Baarlamaanka ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa sideedaad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka koowaad Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa soo gudbiyay mooshin ama soo jeedin ku saabsan in 14-ka October loo aqoonsado maalinta xusuusta Qaranka ee dhibanayaasha Argagixisada ee Soomaaliya, waxaana Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka shir guddoominayay uu sheegay in doodda soo jeedinta Xildhibaanadda dib loo dhigay, islamarkaana maalinta Isniinta ah laga doodi doono.

Intaasi ka dib, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Akhrinta labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka hanaanka lacag bixinta Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka dib u eegista sharciga la dagaalanka urcad Badeedda iyo ka hortagga afduubka sharci LR.36 ee soo baxay 30-kii April sanadkii 1975-kii, waxaana xildhibaanadu ay aragtiyadooda ka dhiibteen qodobbada hindise sharciyeedyadan iyo muhiimadda ay dalka u leeyihiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyadda ku shaqada leh hindise sharciyeedyadan in ay kusoo daraan doodda iyo aragtiyada Xildhibaanada, islamarkaana ay dib ugu soo celiyaan golaha si akhrinta sedaxaad loo marsiiyo.

Dhinaca kale, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Hindise Sharciyeedka macdanta Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka macaamilka danabeysan, Hindise Sharciyeedka Dembiyada kufsiga iyo Anshax xumada kale iyo Hindise Sharciyeedka wax-kabeddelka qeybta lixaad ee sharciga iibka Qaranka 2016.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Qorshaynta X.F.S “ waa in aan dar dargalinnaa Fulinta waajibaadka naloo igmaday”

MUQDISHU-(SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha  XFS mudane Jamaal Maxamed Xasan  oo dar-dar-galinaya shaqooyinka horyaalla Waasaaradda ayaa kulan…

GudahaWararka
November 8, 2020

Madaxweyne Waare oo  kulan la qaatay  saraakiisha ciidamada AMISOM ee ka howlgala Gobolka Hiiraan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada AMISOM ee sector 4 ee ka howlgala Gobolka…

Wararka
May 27, 2020

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga Gobalka Banaadir oo ka qeybgalay kulan dadweyne

Muqdisho(SONNA);-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka qeybgalay kulan u dhaxeeyay Maamulka Degmada…

GudahaWararka
July 29, 2024

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay xubnno katirsan khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weerar qorsheysan ku qaaday Goobo ay khawaarijta ku dhuumaaleysanaysay oo dhaca xadka Gobolka Galgaduud uu…

Wararka
May 14, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023