Muqdisho,(SONNA):- Xafiiska Amniga Qaranka oo kaashanaya Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa maanta magaalada Muqdisho tababar soconaya muddo labo cisho ah ugu qabtay saraakiil ka socda Hay’addaha Dowladda iyo Wasaaraddaha, kaasoo diiradda lagu saarayo xiriirka ka dhaxeeya cimilada, Nabada iyo Amniga.
Ujeedka tababarkaan loo qabtay ayaa salka ku haya in faham buuxa laga helo sida isbeddelka cimiladu u saameyso Amniga iyo xasilloonida Dalka, waxaana inta uu socdo diiradda lagu saarayaa xoojinta awoodda hay’adaha amniga, si ay u qiimeeyaan una xalliyaan khataraha amni ee ka dhasha isbeddelka cimilada.
Madaxa Waaxda deegaanka iyo isbeddelka cimiladda ee Wasaradda Deegaanka Marwo Xafso Cumar Cabdullaahi oo tababar ka hadal kooban ka jeedisey ayaa tilmaantay in ay mas’uuliyad guud shacabka iyo Dowladdu ka saaran tahay ilaalinta deegaanka, waxayna Xafso hoosta ka xariiqdey inay lagama maarmaan tahay sidii loo xoojin lahaa aqoonta iyo wacyiga Hay’addaha kala duwan ee Dowladda.
Agaasimaha Waaxda Arrimaha maamul goballeedyada iyo gobalka Banaadir ee xafiiska Amniga Qaranka Khawla Abdirahman Cismaaciil oo tababarka furtey ayaa sheegtay ujeedka ugu weyn ee loo qabtay inuu yahay abuurista iskaashi dhow oo u dhexeeya hay’adaha kala duwan ee Dowlada iyo bah-wadaagta Amniga si loo horumariyo qorshayaasha la-qabsiga cimilada iyo ka-hortagga khilaafaadka, lana dhiirrigeliyo ka-qaybgalka haweenka iyo dhalinyarada ee dhismaha nabadda iyo xasilloonida dalka.