Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka
    October 14, 2025
    Wasiir ku xigeenka Qorshaynta oo qaabilay madax ka tirsan hay’adda DRC
    October 13, 2025
    Wasiirka Hawlaha Guud oo la kulmay ku simaha madaxa Sanduuqa Horumarinta Qatar
    October 13, 2025
    Hawlwadeeno ka tirsan hay’adda Duulista Rayidka oo tababar uga bilowday Tanzania
    October 13, 2025
    Wasiirka Qoyska oo la kulantay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qatar
    October 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran ee Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran ee Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya
GudahaWararka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran ee Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya

By Dahir Aadan Cali
Last updated: October 12, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNNA):- Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona muddo laba maalmood ah si looga hadlo Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya (2025-2030).

Kulankan ayaa isugu keenay wakiillo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, iyo sidoo kale shirkadaha isgaarsiinta, si ay dib u eegis iyo turxaan bixin u sameeyaan khariidadda dhijitaalka ah ee dalka oo lagu horumarinayo koboc loo dhan yahay, hal-abuurnimo iyo adeegyo casri ah.

Mudane Mustafa Almahdi, oo ah Sarkaalka Barnaamijyada ee Xafiiska Carabta ee ITU, oo ka hadlay furitaanka, ayaa xaqiijiyay taageerada ITU ee aragtida dhijitaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta qaranka iyadoo loo marayo teknoolajiyadda.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay furitaanka Wadatashiga, ayaa sheegay in istaraatiijiyadda ay tahay calaamad muujinaysa tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo horumar dhijitaal oo waara, taasoo muujinaysa sida dalkeennu uga go’an tahay dhismaha nidaam dhijitaal ah oo adkeysi leh oo loo dhan yahay. Wuxuu sidoo kale xoojiyay muhiimadda iskaashi xooggan oo dhex-mara dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo bah-wadaagta horumarka si loo hirgeliyo loona sii wado waaritaankiisa.

Dhankiisa, Mudane Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali), Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, ayaa tilmaamay in Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ay noqon doonto hagaha guud ee mideynaya dhammaan hindisayaasha la xiriira ICT-da ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka. Wuxuu sidoo kale xusay sida ay dowladdu uga go’an tahay isku-duwidda siyaasadaha, maalgelinta kaabayaasha dhijitaalka ah, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha si loo dardargeliyo adeeg bixinta iyo kobaca dhaqaalaha.

Inta lagu guda jiro labada maalmood ee wada-tashigu socdo, ka-qaybgalayaashu waxay ka doodi doonaan aragtida dhijitaalka ee Soomaaliya, tiirarka istaraatiijiyadda, iyo qorshaha hirgelinta, iyagoo xoogga saaraya qaab-dhismeedka maamul, hababka maalgelinta, iyo waafaqsanaanta istaraatiijiyadeed ee Ururka Midowga Afrika (AU) iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Wada-tashigan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee Soomaaliya ay ku xoojinayso maamulka dhijitaalka ah iyo dardar-gelinta horumarka dhijitaal ee loo dhan yahay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Kampala-(SONNA)-Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada…

October 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay…

Gudaha
July 11, 2025

Ingiriiska oo heshiis la galay Turkiga si wax looga qabto tahriibka

Boqortooyada Midowday (UK) ayaa ku dhawaaqday heshiis ay la gashay Turkiga si kor loogu qaado iskaashiga la xiriira wax ka…

Caalamka
August 9, 2023

Wasiirka arrimaha dibadda oo gaaray New York, halkaas oo uu shir caalami ah uga qaybgalayo

New York (SONNA): Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka,…

GudahaWararka
May 23, 2023

Saraakiil iyo saraakiil xigeenno tababar maanta uga bilowday Dhuusamareeb

Muqdisho.(SONNA):- Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Col. Maxamed Dhagawayne ayaa maanta tababar uga furay magaalada Dhuusamareeb askar…

GudahaWararka
January 27, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023