Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan
    January 31, 2026
    Howlgalka Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deeegaano muhiim ah
    January 31, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo New Delhi kaga qeyb galay shir caalami ah
    January 31, 2026
    Shirweynaha isku-Duwidda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb
    January 31, 2026
    DEG DEG: Ciidanka NISA oo fuliyay howlgal lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    January 31, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday heshiisyo Waxbarashada, Amniga iyo Socdaalka ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday heshiisyo Waxbarashada, Amniga iyo Socdaalka ah
GudahaWararka

Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday heshiisyo Waxbarashada, Amniga iyo Socdaalka ah

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: October 8, 2025
2 Min Read
Share

Kampala (SONNA):  Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) oo ka qaybgalaya shirkii 2-aad ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Uganda, oo ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayaa la saxiixday wasiirada dhiggooda ah ee Dowladda Uganda dhowr heshiis oo lagu hormarinayo xiriirka labada dal.
‎
‎Heshiisyadani maanta la saxiixay waxaa ka mid ah saddex heshiis isfahan (MoU) oo ku saabsan maamulka socdaalka, waxbarashada & isboortiska iyo Amniga labada dal.
‎
‎Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay heshiisyadan.
‎
‎Waxaa sidoo kale shirka ka qayb galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Danjiraha Soomaaliya ee Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha qaar.
‎
‎Shirkan oo ah kii 2-aad ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Uganda ayaa sidoo kale looga dooday sidii loo horumarin lahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay ee labada dal, iyadoo madax ka socotay ganacsatada labada dhinac ay ka qayb galeen.
‎
‎Dhanka kale labada dowladood waxa ay qorsheynayaan in la saxiixo heshiis ku saabsan shaqada kasoo la doonayo inuu ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha labada dhinac iyo inuu fududeeyo helidda shaqooyinka si sharci ah.
‎
‎Ugu dambeyntii waxaa sidoo kale laysku raacay in shirkan midka xiga lagu qabto Soomaaliya sanadka 2027.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Muqdisho,Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo…

January 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho.(SONNA)...Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa dib ugu soo laabtay dalka ka dib…

Wararka
October 12, 2019

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shirguddoomiyey kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye ku…

GudahaWararka
November 16, 2023

Qaraarka golaha wasiirrada Ee ku Aaddan habdhaqanka gurracan iyo faragelinta qaawan Ee dowladda Itoobiya

Muqdisho,(SONNA):-Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Markii ay arkeen: -Qodobada 99aad xarfihiisa (a) iyo (f) iyo Qodobka 54aad xarfihiisa (a), (b)…

GudahaWararka
April 4, 2024

Golaha Wasiirrada XFS oo bogaadiyay howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu bogaadiyay howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta…

GudahaWararka
April 10, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023