Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xafiiska amniga Qaranka oo Muqdisho ku qabtay kulan ku saabsan guddiyada amniga Dowlad Goboleedyada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xafiiska amniga Qaranka oo Muqdisho ku qabtay kulan ku saabsan guddiyada amniga Dowlad Goboleedyada
GudahaWararka

Xafiiska amniga Qaranka oo Muqdisho ku qabtay kulan ku saabsan guddiyada amniga Dowlad Goboleedyada

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: October 6, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa Muqdisho kulan ku saabsan diyaarinta hindise sharciyeedka guddiyada amniga dowlad goboleedyada, kaas oo ay ka soo qaybgaleen wakiillo ka socda dowlad goboleedyada.

Kulanka oo socon doona muddo 3-maalmood ah ayaa la doonayaa in lagu xoojiyo nidaamka maamul ee amniga dalka. Kulanka ayaa u jeedooyinka laga leeyahay waxaa kamid ah:

1. In la caddeeyo kaalinta Golaha Amniga Qaranka, Xafiiska Amniga Qaranka, iyo Xafiisyada Amniga Dowlad-goboleedyada ee ku jira Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee la cusboonaysiiyay.

2. In la qeexo hawlaha guddiyada amniga heer federaal iyo heer dowlad-goboleed si loo dheellitiro baahida amniga gudaha iyo ilaalinta madax-bannaanida.

3. In la horumariyo habraacyo isku-xidhan oo siyaasadda iyo goโ€™aan qaadashada u dhexeeya federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

4. In la dhiso sharci aasaasi ah oo qeexaya awoodaha, qaab-dhismeedka xubinnimada, iyo hababka wada-shaqaynta.

5. In la abuuro habab isla-xisaabtan oo wax ku ool ah si looga hortago khataraha kooxaha hubeysan ee aan dawliga ahayn.

Dhamaadka kulanka, waxaa la filayaa in ka-qaybgalayaashu ay ka gaaraan faham guud oo ku saabsan qaab-dhismeedka maamulka amniga ee Soomaaliya sida uu dhigayo Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee 2023, isla markaana ay ku heshiiyaan mabdaโ€™a wada-shaqeyn iyo is-koordinayn oo u dhexeeya xafiiska aminga qaranka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu xoojinayaa kalsoonida iyo lahaanshaha siyaasadeed ee hayโ€™adaha amniga Soomaaliyeed si ay u hoggaamiyaan wajiga xiga ee dib-u-habeynta amniga iyo xasilinta nabadda dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid goโ€™aankii xadgudubka ahaa ee Israaโ€™iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo kulan wadatashi ah la qaadatay Xubno ka socday Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay xubno muhiim ah oo ka socday Wasaaradda Waxbarashada…

GudahaWararka
October 16, 2023

Dowladda Soomaaliya oo soo iibsatay Saanad Ciidan oo isugu jirta Diyaaradaha dagaalka iyo hub culus

Muqdisho-(SONNA)-La taliyaha amniga Qaranka , Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo iibsatay diyaaradaha qumaatiga u kaca…

GudahaWararka
July 18, 2023

Maalinta Caalamiga ah ee Waxbarashada

Dalalka caalamka ayaa maanta u dabbaaldegay xuska maalinta waxbarashada oo xambaarsan xuquuq aadane, dan guud iyo masโ€™uuliyad dadweyne. Golaha loo…

WararkaWaxbarashada
January 25, 2023

Guddoomiyaha SODMA oo kulan gaar ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo Madaxda Bangiyada dalka

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay culimo, ganacsato iyo wakiillo…

Gudaha
August 14, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023