Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Fiqi: “Wasaaradda Difaaca waxaa u qorsheysan in agoonta shuhadadii CXD Loo sameeyo hay’ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda”
    October 5, 2025
    Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Xarunta Baarista Jilacow
    October 5, 2025
    Ciidanka ammaanka oo howlgal sifayn ah ka wada xarunta Godka Jilicow
    October 4, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka iskaashiga Ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka
    October 4, 2025
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo daahfuray qorshaha dib u furista wadooyinka Caasimadda
    October 4, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka iskaashiga Ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka iskaashiga Ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka iskaashiga Ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka

By Dahir Aadan Cali
Last updated: October 4, 2025
2 Min Read
Share

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRKA ISKAASHIGA GANACSIGA SOOMAALIYA IYO MARAYKANKA

Muqdisho, Oktoobar 4, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyey Shirka Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Maraykanka, kaas oo ku qabsoomay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la jaanqaaddo dhaqaalaha caalamiga ah, dowladduna ay dadaal ku bixinayso sidii loo abuuri lahaa jawi nabad iyo xasillooni ku dhisan oo dhiirrigeliya maalgashiga iyo ganacsiga.

“Soomaaliya waa dal hodan ku ah kheyraad dabiici ah, suuq ganacsi oo kobcaya iyo bulsho dhalinyaro ah oo hal abuur ku tilmaaman. Waxaan doonaynaa inaan abuurno jawi nabad iyo xasillooni ku dhisan oo dhiirrigeliya maalgashiga iyo ganacsiga”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ganacsiga iyo tiknoolajiyadda, isagoo xusay in Soomaaliya ay mudnaanta siin doonto horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah, maalgelinta beeraha, kalluumaysiga iyo tamarta iyo abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada iyo haweenka u sahli kara inay kaalin muuqata ka qaataan kobaca dhaqaalaha.

“Ganacsiga iyo iskaashiga laba geesoodka ah waa furaha mustaqbal barwaaqo leh. Soomaaliya waxa ay rabtaa in ay noqoto albaabka ganacsi ee Geeska Afrika iyo Badda Cas”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska dalka, xoojinta iskaashiga iyo Ganacsiga.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiir Fiqi: “Wasaaradda Difaaca waxaa u qorsheysan in agoonta shuhadadii CXD Loo sameeyo hay’ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda”

Muqdisho, (SONNA) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in…

October 5, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada Jubbaland oo iska caabiyay weerar uga yimid Al-Shabaab

Kismaayo(SONNA)--Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo…

WararkaWargayska
July 13, 2020

Madaxweynaha K/Galbeed oo xarigga ka jaray xarunta Nabad-sugidda ee Xudur

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen ) ayaa maanta  xarigga ka jaray xarunta hay’adda  sirdoonka iyo nabad…

Wararka
June 12, 2020

Dad ku geeriyooday dhisme ku soo dumay magaalada Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):-Dhismayaal iska ag-dhawaa oo ka koobnaa ilaa labo dhisme oo dhabaqayo ahaa ayaa ku soo dumay guri filo ah oo…

GudahaWararka
August 31, 2023

Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2020

Muqdisho (SONNA)- Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta oo arbaco ah ansixiyay miisaaniyada 2020 oo Wasaaradda Maaliyadda ay horgeysay dhawaan. 64…

Wararka
February 26, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023