Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka ganacsiga XFS oo ka qayb galay shirka hoggaamiyeyaasha COMESA
    October 9, 2025
    Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo Muqdisho ku qabatay shir looga hadlayo ka hortagga askareynta carruurta
    October 9, 2025
    Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay Madasha Isku-xirka Nidaamyada Digniinaha Khatarta Badan ee Soomaaliya
    October 9, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah
    October 9, 2025
    Wasiirka Caafimaadka oo kulamo la yeeshay dhiggiisa dalalka Malaysia iyo Brunei
    October 9, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Ra’iisul wasaare Xamse oo daah-furay adeegga xajka sanadka 2026
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul wasaare Xamse oo daah-furay adeegga xajka sanadka 2026
GudahaWararka

Ra’iisul wasaare Xamse oo daah-furay adeegga xajka sanadka 2026

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: September 30, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo caawa ka qeybgalay munaasabadda Daahfurka adeegga Xajka sanadka 1447/ 2026 iyo Xeritaanka xajkii sanadkii hore ee 1446, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay hormar ballaaran ka sameysay hufnaanta adeegga xajka isla markaana ay guul weyn u tahay Qaranka Soomaaliyeed in kaalimaha hore uu ka galay dalalka sida wanaagsan ugu adeegay dadkooda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in markii la qaaday tallaabada is beddelka lagu sameeyey adeegga Xajka ay wasaaraddu wajahday culeys weyn, kaas oo ka imaanayay dhinacyo kala duwan oo diidanaa is beddelka, isla markaana doonayay in halkaas la sii joogo, taasina hadda looga gudbay go’aan adag oo madaxda sare ay qaateen.

“Markii aan xafiiska imaanay, waxaa jiray cabasho badan oo dadku ay ka qabeen adeegga xajka, sida goobaha la dajiyo xujeyda, gaadiidka, cuntada iyo isku dhex yaac badan oo arrintaas ka jiray, waxaan ku dadaalnay in aan wax ka qabanno iyadoo aan wajahnay culeys badan oo ka dhashay is beddelka.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa Culimada Soomaaliyeed ka codsaday in ay wasaaradda kala shaqeeyaan sidii dadka xajinaya loo bari lahaa arkaanta Xajka iyo waddooyinka la maro ka hor inta aan la qaadin, arrintaas oo xujeyda u sahleysa in si wanaagsan ay u gutaan waajibaadka alle, Waxaana uu faray Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka in Bicisada ay ku xajin karaan oo kaliya culimada iyo dhaqaatiirta si ay ugu adeegaan Xujeyda.

Ra’iisull wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka nidaaminta xajka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in guulaha la gaaray ay caddeyn u yihiin in Soomaaliya ay ku sii tallaabsaneyso hufnaan, adeeg bulsho iyo horumar waara.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka ganacsiga XFS oo ka qayb galay shirka hoggaamiyeyaasha COMESA

Nairobi(SONNA):-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Aadan Geesood ayaa maanta si rasmi ah uga…

October 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Sudan oo dadaal ugu jirta in laga saaro liiska wadamada argagixisada taageera

Khartuum (SONNA)-Madaxa Golaha Ku-meel-gaarka ee ka Taliya Suudaan, Cabdifataax Al-Burhaan, oo ku sugan dalka Isu tagga Imaaraatka Carabta ayaa kala…

CaalamkaWararka
September 21, 2020

Xormeynta Madaxdii hore ee Dalka waa arrin loo baahan yahay (MAQAAL)

Waa maxay ixtiraam? Ergeyga ixtiraam wuxuu ka yimid ereyga Laatiinka "ixtiraam” macneheedu waa feejignaan, tixgelin, ama tixgelin, waxaa lagu qeexi karaa…

GudahaMaqaallada
March 9, 2023

Maamulka Koonfur Galbeed oo dhameystiray doorashada Aqalka Sare

Muqdisho…SONNA…Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta ka dhacday doorashada Saddex kursi oo kamid ah Aqalka sare, kuwaas oo…

GudahaWararka
August 15, 2021

Wasiirka Shaqada iyo arimaha Bulshada oo gaaray dalka Masar

Qaahira (SONNA)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalaya kalfadhiga…

GudahaWararka
September 4, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023