Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Duqa Muqdisho oo qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Duqa Muqdisho oo qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta
GudahaWararka

Duqa Muqdisho oo qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 30, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa qaabilay wafdi ka socda Laanta Ururka Jaamacadda Carabta u xilsaaran Waxbarashada, Dhaqanka iyo Sayniska ee (ALECSO), kuwaas oo magaalada Muqdisho u jooga in ay qabtaan Aqoon-isweydaarsi heer sare ah oo lagu horumarinayo barashada iyo adeegsiga Luuqadda Carabiga.

Wafdiga ALECSO ee la kulmay Dr. Muungaab, oo ka koobnaa saddex xubnood ayaa waxaa hoggaaminayay Mudane Zayd Al-sabbaan, Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta, waxaana ka mid ahaa: Dr. Raami Zaki Iskandar, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada ee ALECSO. Dr. Cali Cabdalla Al-naciim, Agaasimaha Mac-hadka Caalamiga Afka Carabiga ee Khartuum, oo hoos taga ALECSO.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinacyada waxbarashada iyo dhaqanka, gaar ahaan horumarinta iyo fidinta Luuqadda Carabiga oo ah Afka labaad ee rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka sokow Afka hooyo ee Af-Soomaaliga.

Guddoomiye Muungaab ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda iyo doorkooda firfircoon, isagoo xusay in dowladda hoose ee Muqdisho ay ka goโ€™an tahay in ay taageerto dedaallada lagu horumarinayo waxbarashada, isla markaana ay ku dhiirrigeliso jiilka cusub barashada Afafka rasmiga ah ee dalka.

Wafdiga ALECSO ayaa sharraxay ujeedka safarkooda Muqdisho, oo ah in lagu qabto aqoon-isweydaarsi heer sare ah oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo barashada Luuqadda Carabiga, ayna ku xoojinayaan xiriirka waxbarasho ee Soomaaliya iyo waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusay in iskaashigan uu muhiim u yahay Soomaaliya, maadaama uu ayidayo dib-u-soo-celinta kaalintii ay ku lahayd gobolka, xoojinta waxbarashada iyo kobcinta dhaqanka Soomaaliyeed oo ku dhisan xiriir qoto dheer oo taariikhi ah oo uu la leeyahay qayb ahaan dhaqamada Carabta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Degmada Dayniile oo saaka laga bilaabay diiwaangelinta doorashooyinka

Muqdisho(SONNA):-Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir waxaa saakay ka bilowday is diiwaangelinta codbixiyaasha ,kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka…

GudahaWararka
May 7, 2025

5 faa’iido oo ku jirta cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya

Muqdisho (SONNA):- Goโ€™aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu codeeyay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya ayaa waxaa uu muhimad…

GudahaWararka
December 1, 2023

Xarunta Qaranka ee kahortaga Fikradaha Xagjirka oo ku baaqday in kooxaha khawaarijta ay ka faa’iideystan cafiska dowladda

Muqdisho(SONNA):'Xarunta Qaran ee kahortaga iyo ladagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Tubsan waxaa ay ku wargelinaysaa dhammaan Xubanaha ka tiran Aragagixisada…

GudahaWararka
August 20, 2023

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo Muqdisho keentay Dhaawacyada dadkii khawaarijtu ku qarxisay Baladweyne

Muqdisho(SONNA):-Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Magaalada Muqdisho soo gaarsiisay dhaawacyada dadkii ay khawaarijtu ku qarxisay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka…

GudahaWararka
September 24, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023