Muqdisho(SONNA);-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Xasan Maxamed, ayaa kulan ku yeeshay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana, Mudane Lawrence Ookeditse, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca caafimaadka.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay isla garteen in la abuuro waddooyin cusub oo lagu dhisayo iskaashi caafimaad, gaar ahaan dhinacyada shaqaalaha caafimaadka, barnaamijyada caymiska caafimaadka, iyo wadaagista khibradaha iyo hal-abuurka lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka shacabka labada dal, iyo guud ahaan iskaashiga caafimaadka qaaradda Afrika.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka go’an tahay horumarinta danaha caafimaadka qaranka iyo dhismaha iskaashi qaran iyo mid qaaradeed, si loo xaqiijiyo hiigsiga adeeg caafimaad oo tayo leh oo muwaadiniinta Soomaaliyeed la gaarsiiyo.