Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xiddigta Qaran Marwo Ramla Cali.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku boorriyey Ramla dadaalkeeda miro-dhalka ah ee ay Qaranka Soomaaliyeed ugu soo hoyday magac, sumcad iyo doorkeeda waddaninimo ee dal jacaylku ku dheehan yahay, isagoo ku bogaadiyay in ay sii laba jibbaarto kaalinta firfircoonida iyo dad la dhaqanka leh ee ay ku tilmaaman yihiin Haweenka Soomaaliyeed, oo kaalin muuqata oo mudnaan leh ka qaata dalalka horumaray oo ay ku nool yihiin.
Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen qaar ka mid ah Sanatarrada aqalka sare ayaa Ramlo ku maamuusay billad sharaf ay ku mutaysatay kaalinteeda matalaadda Qaranka Soomaaliyeed ee ciyaaraha feerka caalamiga ah.