Muqdisho-(SONNA)-Marwada Madaxwayanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Qamar Cali Cumar ayaa kulan mirodhal ah Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya kula yeelatay Marwada Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Marwo Filiz Aktas.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la iskula soo qaaday qodobbo ahmiyad leh oo ay ka mid yihiin, xoojinta iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga ee dhanka horumarinta arrimaha haweenka, dhallaanka, dhallinyarada iyo in si wadajir ah looga wada shaqeeyo kobcinta xirfadaha iyo karaanka haweenka Soomaaliyeed.