Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Nooleye ee gobolka Galguduud, 20-ka Sebteembar 2025.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.
Xogta hordhaca ah waxay tilmaameysa in ugu yaraan 4 ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab lagu dilay howlgalka.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.