Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 19-ka September, 2025
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee muddada saddexda sano ah (2022–2025).
2- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Xukuuumaddiisu ay hirgeliyeen qorshayaaal iyo shuruuc muhiim u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka degdegga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka oo ka dhacay magaalada Dooxa ayaa mar kale cambaareeyay weerarkii Israel ay ka fulisay gudaha dalka Qatar.
4- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dooxa kulan-doceed kula qaatay Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayyib Erdogan.
5- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dooxa kulan muhiim ah kula qaatay Amiirka Qatar Tamim bin Xamad Al Thani, waxaana Madaxwaynaha uu Amiirka la wadaagey sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay u garab-taagan yihiin walaalahooda Qatar.
6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daahfuray Xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo lagu xoojinaayo awoodda difaaca iyo sugidda amniga Qaranka.
7- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku xaqiijiyey wareysi uu siiyey Telefishanka Al-Arabiya adkeysiga iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo kan istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar.
8- Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay guulaha ay xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee ay dalka u shaqeynaysay, iyadoo hirgelisay barnaamijyo iyo mashaariic wax-ku-ool ah, oo ay markhaati ka yihiin dadka Soomaaliyeed.
9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee muddada saddexda sano ah (2022–2025) ayaa sheegay guulaha ay xukuumada gaartay inay saldhig u ahaayeen shuruucyo la meel mariyay oo midnimo iyo wadajir xambaarsana.
10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wang Yu, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeyo.
11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer uu ku qiimeynayo hawlaha muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u heyso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku tagay xarunta dhexe ee hey’addaasi.
12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la horumariyo adeegyada ay bixiso dowladda ayaa booqday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.
13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan dadweyne ka qeyb galay ayaa bulshada Soomaaliyeed uga jawaabey su’aalo la xiriirra waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda Dan-Qaran saddexdii sano ee la soo dhaafay.
14- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Safiirka Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Cabdalla Cuteybi, iyaga oo ka wadahadley iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.
15- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Richard H. Riley.
16- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaash Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francesca Di Mauro.
17- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka qeybgalay shirka Ururka Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmibaarista ee Jaamacadda Carabta (ALECSO) oo ka dhacay magaalada Tunis ee dalka Tunisia.
18- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr, Cali Xaaji Aadan ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Badqabka Bukaanka, taas oo sannad kasta lagg xuso dunida 17-ka Sebtembar.
19- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa furay kulanka wadatashiga ee Xeer-Nidaamiyayaasha Daawada iyo Agabka Caafimaadka oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda ee Daawada Soomaaliya.
20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha ee Soomaaliya danjire Mr. Wang Yu.
21- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş,iyagoo ka wadahadlay dhinacyada difaaca ,tababarada iyo taageerada Turkiga ee Soomaaliya.
22- Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Gaani ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray aqoon isweydaarsi ku saabsan Horumarinta Adeegga Guud ee Dowladda iyo Maareynta Waxqabad Natiijo Ku saleysan.
23- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) ayaa ka qeybgalay Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka, oo diiradda lagu saaray hubinta badeecadaha dalka soo galaya iyo badeecadaha dalka laga dhoofinayo.
24- Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee ku guuleysata bilad dahab ah oo caalami ah dhinaca feerka ayaa soo gaartay magaalada Muqdisho.
25- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeybgalay shir-wadaag heer wasiir ah oo ay iskugu imaanayaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
26- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac oo magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka ugu qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Diblomaasiyadda, ayaa kulamo doceedyo la qaatay wasiirada dhiggiisa ee shirkaasi ka soo qeyb galey.
27- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa iska caabiyey weerar gaadmo ahaa oo Khaawarijtu ku soo qaadeen degmada Ceel Dheer Gobolka Galgaduud, isla markaana maleeshiyaad badan gacanta looga dhigay.
28- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Nadiifo Xasan Cabduqaadir oo ku eedeysan maalgelinta argagaxisada iyo lacag dhaqida ayaa lagu xukumay 15 sanno iyo $20,000 oo ganaax lacageed ah.
29- Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniino adag ka soo saaray sumcad-dil iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka iyo sidoo kale ku xadgudubka diinteenna suuban.
30- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa gaaray degmada Ceel Dheer, kulan dhiirigelin iyo duco ha la qaatey ciidamada halkaasi ku sugan ee dhowaan jabka xooggan u geystay Khawaarijta.
===========DHAMMAAD==========