Muqdisho(SONNA):-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Amb Ilyaas Sheekh Cali ayaa maanta furay kulan dadweyne oo looga hadlaayo Maqaamka Caasimadda iyo Dib-u-eegista Dastuurka.
Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha u xilsaaran dib u
eegista dastuurka ayaa waxa ka soo qayb galay bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan gobolka Banadir, kulanka ayaa lagu soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo dardar-gelin lahaa geeddi-socodka dastuurka, loona dhisi lahaa dowladnimo adag oo ku saleysan midnimo iyo cadaalad.